Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Sacuudiga oo ku dhowaaqay maalinta 1-aad ee Ramadaan - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Sacuudiga oo ku dhowaaqay maalinta 1-aad ee Ramadaan


Riyadh (Adduun.com) – Boqortooyada Sacuudiga ayaa goordhow shaacisay in Bisha Ramadaan laga arkay gudaha dalkaasi, waxayna ku dhawaaqday in maalinta berri oo Arbaco ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, ayada oo meelo kala duwan oo Sacuudiga ah laga arkay bisha.

Kadib war kasoo baxay maamulka Xarameynka ayaa waxa si rasmi ah caawa taraawiixda looga bilaabaya Xaramka, bacda salaada Cishaa’i’

Labada masjid ee barakeysan ayey salaaddaha Taraawiixdu ka bilaaban doonaan caawa salaadda Cishaa’i kadib.

Dalal uu kamid yahay Sacuudiga ayaa bilaabay galabta raadinta dhalashada bisha Ramadaan ee sanadkan 1447 Hijriyadda, iyada oo xiligaas ay dalbadeen in la baadi goobo bisha, taasi oo goordhoweyd si rasmi ah loo xaqiijiyay.

Waxaa kale oo berri inay Ramadaan tahay ku dhawaaqay dalalka Qatar iyo Isu Tegga Imaaraadka Carabta oo kamid ah waddamada Khaliijka Carbeed.

Dhinaca kale, Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda shacabka ka codsatay in la raadiyo Bisha Ramadaan, isla markaasna qofkii arka uu ku soo wargaliyo, iyada oo saacadaha soo socda ay dowladdu ku dhawaaqi doonto go’aan kama dambeys ah.

Waxay sidoo kale dowladdu ay kaashan doontaa Culimada Soomaaliyeed oo iyaguna ka qayb qaadan doono xaqiijinta bisha barakaysan ee Ramadaan.

Si kastaba, Dhamaan bahda Adduun.com waxay si hordhac ah curashada bisha barakeysan ee Ramadaan ugu hambalyeynayaan dhamaan umadda Muslimka ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogan.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard