Riyaad (Adduun.com) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa goordhow ku dhawaaqday in maalinta koowaad ee Ciidul-Fitriga ay noqon doonto Jimcaha, 20-ka Maarso.
Go’aankan ayaa yimid kadib markii la xaqiijiyay in aan la arkin bisha Shawaal.
Guddiga raadinta bisha oo isugu yimid gudashada waajibaadkooda ayaa xaqiijiyay in bisha la waayay, taas oo ka dhigan in bisha Ramadaan ay ku dhammaanayso 30 maalmood oo soon ah.
Dhinaca kale, Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa haatan ku howlan raadinta bisha Soonfur (Shawaal), waxayna bulshada Soomaaliyeed ka codsatay inay la raadiyaan bisha, isla markaana ay lasoo xiriiraan haddii ay arkaan.
“Culimada iyo masuuliyiinta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya waxay ku mashquulsan yihiin raadinta bilashada bisha Soonfur (Shawaal), waxayna caawa bulshada kala hadli doonaan Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed iyo Radio Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.
“Bulshada Soomaaliyeed waxaan ku wargelinaynaa in qofkii arka bisha dhalatay uu masuuliyiinta Wasaaradda Awqaafta, culimada iyo warbaahinta qaranka la soo xiriiro”
Sidoo kale, waxa ay dowladdu soo bandhigtay lambaro gaar ah oo lagala xiriiri karo, inta ay wadaan baadigoobka bisha.
“Fadlan, haddii aad aragto bisha, waxaad nagala soo xiriiri kartaa taleefoonnada kala ah 861035 / 861037 ama 0615455090,” ayaa lagu yiri farriinta kasoo baxday dowladda.
Maamul-goboleedyada ayaa iyaguna dhankooda wada dadaallo dheeraad ah oo ku aaddan raadinta bisha, si ay u soo gudbiyaan haddii bisha laga arko gobollada.
