Riyaad (Adduun.com) – Wasaaradda Difaaca ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in nidaamkooda difaaca cirka uu burburiyey afar gantaal oo nooca riddada dheer ah, kuwaas oo fiidkii caawa lagu soo riday caasimadda Riyaad.
Wasaaradda ayaa sheegtay in “qiimeyn hordhac ah ay muujinayso in aysan jirin wax khasaare ama dhaawac ah”, iyadoo sidoo kale ka digtay in burburka gantaallada uu ku faafay qaybo ka mid ah caasimadda.
Dhawaaqyo waaweyn oo u eg jug culus ayaa laga maqlay magaalada, waxaana qaar ka mid ah dadka deegaanku ay markii ugu horraysay telefoonnadooda ku heleen farriimo digniin ah oo ku saabsan khatar dhanka cirka ah oo soo wajahan.
Telefishinka dowladda ayaa goor sii horeysay baahiyey in nidaamka difaaca cirka ee Sacuudigu uu wajahay “khatar gantaallo” fiidkii Arbacada.
Boqortooyada Khaliijka ayaa la kulantay weeraro isugu jira boqolaal gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan (Drones), tan iyo markii uu bilowday dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan bishii la soo dhaafay. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in inta badan weeraradaas la fashiliyey.
Si kastaba ha ahaatee, weerarka caawa ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee dad badan oo ku nool caasimadda ay maqlaan dhawaqa qaraxyada ama ay helaan farriimo digniin ah.
Labo goobjooge ayaa sheegay inay arkeen wax u muuqday gantaallo hawada lagu burburinayo dacalka galbeed ee magaalada, gaar ahaan meel u dhow Xaafadda Diblumaasiyiinta ee ay ku yaalliin safaaradaha shisheeye.
Weerarkan ayaa yimid saacado ka hor intii uusan Sacuudigu martigelin shir wadatashi ah oo ay isugu imanayeen wasiirada arrimaha dibadda ee dhowr dal oo Carbeed iyo kuwa Islaam ah, si ay uga wada-hadlaan qaababka lagu taageeri karo amniga iyo xasiloonida gobolka, iyadoo uu socdo dagaalka Iiraan.
Ilo diblumaasiyadeed oo u dhashay dalka Turkiga ayaa xaqiijiyey in wakiilo ka socda dalalka Azerbaijan, Baxrayn, Masar, Urdun, Kuweyt, Bakistaan, Qatar, Suuriya, Turkiga iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta ay ka soo qayb-galayaan shirkan.
Ma jiraan calaamado muujinaya in xiisaddu ay qaboobayso, iyadoo dagaalku uu marayo ku dhawaad usbuucii saddexaad, dagaalkaas oo wiiqay amniga gobolka isla markaana sababay carqaladeyn aan horay loo arag oo ku timid sahayda tamarta caalamka.
Weerarku wuxuu muujinayaa khatarta sii kordheysa ee gobolka Khaliijka, halkaas oo xiisadaha siyaasadeed iyo milatari ay saameyn weyn ku yeesheen dhaqaalaha iyo amniga tamarta ee caalamka.
Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa ku booriyey shacabka inay ka fogaadaan meelaha halista ah, isla markaana aysan duubin ama baahin muuqaallo laga yaabo inay waxyeello u geystaan dadka.
Shirkadaha shidaalka iyo gaaska ayaa si dhow ula socday xaaladda, iyagoo diyaarinaya tallaabooyin dheeraad ah oo ka hortag ah si loo hubiyo joogteynta sahayda iyo amniga goobaha muhiimka ah.
Si kastaba, Iiraan ayaa haatan la sheegay inay wado qorshayaal lagu beegsanayo dalalka Khaliijka, kadib markii Israa’iil ay weerartay xarumo ku yaalla goobta gaaska ee South Pars, oo ah goobta gaaska ugu weyn dunida maanta.
Wakaaladda wararka ee Iiraan ee la xiriirta IRGC ayaa liis gareysay goobo ku yaalla Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, iyo Qatar, kuwaas oo ay sheegtay in Iiraan ay dhowaan weerari doonto si ay uga jawaabto weerarkii Israa’iil ee subaxnimadii Arbacada.
Goobaha South Pars iyo North Dome ee ku dhow ayaa muddo dheer si nabad ah u wadaageen Iiraan iyo Qatar.
