Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Sacuudiga iyo laba dal kale oo ka faa’iiday dagaalka Iiraan + Dalalka aadka ugu khasaaray - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Sacuudiga iyo laba dal kale oo ka faa’iiday dagaalka Iiraan + Dalalka aadka ugu khasaaray


Riyadh (Adduun.com) – Xiritaanka Marinka Hormuz iyo kororka weyn ee ka dhashay qiimaha shidaalka caalamka ayaa faa’iidooyin dhaqaale oo lama filaan ah u horseeday dalalka Iran, Cumaan iyo Sacuudiga, halka dalal kale oo aan lahayn marinno kale oo dhoofin ah ay lumiyeen balaayiin doollar, sida lagu sheegay falanqayn ay sameysay Reuters.

Iran ayaa si wax ku ool ah u xirtay Marinka Hormuz, oo ah waddo ay maraan ku dhowaad shan meelood meel qulqulka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah ee dunida, kadib duqeymo cirka ah oo Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iran dabayaaqadii bishii Febraayo, kuwaas oo horseeday colaad sii fiday.

Iran ayaa markii dambe sheegtay inay oggolaan doonto maraakiibta aan wax xiriir ah la lahayn Maraykanka ama Israa’iil inay ka gudbaan marinkaasi. Sidaas darteed, qaar ka mid ah maraakiibta shidaalka qaada ayaa awooday inay maraan biyaha ciririga ah, balse suuqyada tamarta ayaa weli wajahaya carqalad aan horay loo arag.

Saliidda cayriin ee caalamka ayaa bishii March kor u kacday 60%, taasoo noqotay kororkii ugu weynaa ee hal bil gudaheed la diiwaangeliyo.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu “cadaab” ku soo dejin doono Tehran haddii aysan heshiis gaarin ugu dambeyn Talaadada maanta ah, si dib loogu bilaabo isu socodka gaadiidka badda ee Marinka Hormuz.

Juqraafiyadda ayaa go’aamisay

Iyadoo inta badan dunidu ay wajahday sicir-barar kordhay iyo dhaawac dhaqaale oo ka dhashay sare u kaca qiimaha tamarta, saameynta ay arrintani ku yeelatay dalalka Bariga Dhexe ee shidaalka soo saara waxay si weyn ugu xirneyd juqraafiyadda.

Inkasta oo Iran ay maamusho Marinka Hormuz, haddana Cumaan, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa awood u leh inay ka leexdaan iyagoo adeegsanaya dhuumaha shidaalka iyo dekedo kale.

Dhanka kale, shidaalka laga dhoofiyo Ciraaq, Kuwait iyo Qatar ayaa xannibmay, maadaama dalalkan aysan lahayn marinno kale oo ay ku gaarsiiyaan suuqyada caalamiga ah.

Kadib hanjabaaddii ugu dambeysay ee Trump, sarkaal Iranian ah ayaa u sheegay Reuters in Iran aysan dib u furi doonin Marinka Hormuz iyadoo qeyb ka ah xabad-joojin ku meel gaar ah. Iran ayaa hore u diidday dalabaadkii Trump, iyadoo sheegtay inaan la bahdili karin.

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa qaba in dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iran uu siyaabo qaar u xoojiyay Tehran.

“Hadda oo Hormuz la xiray, mar kale iyo marar kale waa la xiri karaa, taasina waxay khatar weyn ku tahay dhaqaalaha dunida,” ayuu yiri Neil Quilliam, oo ka tirsan machadka Chatham House. “Arrintu hadda way dhaaftay heer dib loo celin karo.”

Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta ayaa colaaddan ku tilmaantay tii ugu weyneyd ee naxdinta gelisa sahayda tamarta dunida, iyadoo xustay in ka badan 12 milyan oo foosto maalintii oo wax soo saar ah ay saameysay iyo burbur soo gaaray ku dhowaad 40 xarumood oo tamareed.

Falanqaynta Reuters ee xogta dhoofinta bisha March ayaa muujisay in dakhliga qiyaasta ah ee dhoofinta shidaalka ee Ciraaq iyo Kuwait uu hoos u dhacay ku dhowaad saddex meelood afar meel marka loo eego sanadkii hore.

Dhanka kale, dakhliga Iran ayaa kordhay 37%, halka kan Cumaan uu kordhay 26%. Dakhliga shidaalka ee Sacuudiga ayaa kor u kacay 4.3%, halka kan Imaaraadka uu hoos u dhacay 2.6%, maadaama kororka qiimaha uu qayb ahaan daboolay yaraanta mugga dhoofinta.

Qiyaasahaas waxaa lagu saleeyay xajmiga dhoofinta ee ay diiwaangelisay shirkadda dabagalka maraakiibta ee Kpler iyo xogta JODI, kadibna lagu dhuftay celceliska qiimaha saliidda cayriin, iyadoo la barbar dhigay sanadkii hore.

Faa’iidada Sacuudi Carabiya

Sacuudiga, sare u kaca qiimaha shidaalka wuxuu ka dhigan yahay dakhli badan oo ka yimaada canshuuraha iyo royalty-ga shirkadda shidaalka ee Aramco, oo ay si weyn u leeyihiin dowladda iyo sanduuqa maalgelinta qaranka.

Kororkaasi wuxuu si gaar ah faa’iido ugu yahay boqortooyada, maadaama ay kharash badan ku bixisay mashaariic loogu talagalay in lagu kala duwo ilaha dakhliga oo aan saliidda ku koobneyn, kuwaas oo qeyb ka noqday miisaaniyad-deficit soo baxay.

Dhuunta shidaalka ee Sacuudiga waxaa la dhisay xilligii dagaalkii Iran iyo Ciraaq

Dhuunta ugu weyn ee Sacuudiga waa isku xirka Bariga iyo Galbeedka ee dhererkeedu yahay 1,200 kiiloomitir, taas oo la dhisay sannadihii 1980-meeyadii intii uu socday dagaalkii Iran iyo Ciraaq si looga gudbo ku tiirsanaanta marinka Hormuz.

Waxay isku xirtaa ceelasha shidaalka ee bari iyo dekedda Yanbu ee Badda Cas, waxayna hadda ku shaqeysaa awooddeedii la ballaariyay ee 7 milyan oo fuusto maalintii.

Aramco waxay gudaha dalka ku isticmaashaa ku dhowaad 2 milyan oo fuusto maalintii, taasoo ka tagaysa qiyaastii 5 milyan oo fuusto oo loo dhoofin karo dibadda.

Xogta maraakiibta ayaa muujisay in xamuulka laga qaaday Yanbu uu celcelis ahaan gaaray 4.6 milyan oo fuusto maalintii asbuucii billowday 23-ka March, inkastoo weerarro lala beegsaday xaruntaasi ay dhaceen 19-ka March.

Guud ahaan, dhoofinta saliidda ceyriin ee Sacuudiga ayaa bishii March hoos u dhacday 26% marka loo eego sanadkii hore, iyadoo gaartay 4.39 milyan oo fuusto maalintii, sida ay muujisay xogta Kpler iyo JODI.

Si kastaba, qiimaha sare ayaa kordhiyay qiimaha dhoofintaas qiyaastii 558 milyan oo doollar marka loo eego sanadkii hore. Riyadh ayaa hore u kordhisay dhoofinta bishii Febraayo ilaa heerkii ugu sarreeyay tan iyo April 2023, iyadoo ka sii diyaar garoobeysay suurta-galnimada weerar Maraykan ah oo ka dhan ah Iran.

Inkasta oo dhuunta Bariga iyo Galbeedka ay Sacuudiga siisay fursad weyn, Quilliam wuxuu sheegay in boqortooyadu weli u nugushahay weerarro dheeraad ah oo ay Iran ama xulafadeeda Yemen ee Xuuthiyiinta ku beegsadaan kaabayaasha tamarta ee galbeedka dalka iyo maraakiibta mara marinka Bab al-Mandab ee gala Badda Cas.

Jug culus oo gaartay Ciraaq

Imaaraadka Carabta waxaa qayb ahaan ka badbaadiyay dhuuntiisa Habshan-Fujairah oo qaadda 1.5 ilaa 1.8 milyan oo foosto maalintii, taas oo ka gudubta marinka Hormuz.

Si kastaba, qiimaha qiyaasta ah ee dhoofinta shidaalka dalkaas ayaa weli hoos u dhacay in ka badan 174 milyan oo doollar bishii March marka loo eego sanadkii hore. Fujairah ayaa sidoo kale wajahday weerarro taxane ah oo sababay in hakad ku yimaado rarista shidaalka.

Dalalka Khaliijka ee shidaalka soo saara, Ciraaq ayaa wajahday hoos u dhicii ugu weynaa ee dakhliga, iyadoo uu hoos u dhacay 76% ilaa 1.73 bilyan oo doollar. Kuwait ayaa ku xigtay, iyadoo dakhligeedu hoos u dhacay 73% ilaa 864 milyan oo doollar.

Shirkadda suuq-geynta shidaalka ee dowladda Ciraaq ee SOMO ayaa 2-dii April sheegtay in dakhliga shidaalka ee bisha March uu gaaray qiyaastii 2 bilyan oo doollar, taasoo aad ugu dhow qiyaasta Reuters.

Labada dalba waxaa la filayaa inay la kulmaan hoos u dhac ka sii daran bisha April, maadaama dakhliga March ay wax ka tariyeen shixnado ka baxay maalmaihii hore ee colaadda. Markab sidday shidaal ceyriin ah oo laga leeyahay Ciraaq ayaa asbuucii hore ka gudbay marinka kadib markii Iran ay sheegtay in Ciraaq laga dhaafay xayiraadaha.

Adriana Alvarado, oo ah madaxweyne ku xigeenka qiimeynta dowladaha ee Morningstar DBRS, ayaa sheegtay in dowladaha Khaliijka ay haystaan xulashooyin ay ku xoojin karaan dhaqaalahooda, islamarkaana ay ka faa’iideysan karaan kaydka miisaaniyadeed ama ay suuqyada maaliyadeed ka soo saari karaan deyn.

“Marka laga reebo Baxrayn, dowladaha Khaliijka waxay haystaan awood miisaaniyadeed oo ku filan oo ay kula tacaalaan jugtan, iyadoo deynta dowladdu ay joogto heer dhexdhexaad ah oo ka hooseeya 45% wax-soo-saarka guud ee gudaha (GDP),” ayay tiri.

Mustaqbalka fog se, saameynta arrintani weli ma cadda.

Qaar ka mid ah shirkadaha shidaalka iyo siyaasiyiinta reer Galbeedka ayaa u ololeeyay in la kordhiyo maalgelinta shidaalka fosil-ka si looga hortago jugo sahayda ku yimaada, balse falanqeeyayaal kale ayaa qaba in tamarta la cusboonaysiin karo ay tahay difaaca ugu wanaagsan.

Tilmaan hore oo muujinaysa sida qalalaasahani u dedejin karo ka leexashada ku tiirsanaanta shidaalka ayaa timid asbuucii hore, markii shirkadda Faransiiska ee TotalEnergies iyo shirkadda tamarta la cusboonaysiin karo ee Masdar, oo ay dowladdu taageerto, ay ku dhawaaqeen mashruuc iskaashi ah oo gaaraya 2.2 bilyan oo doollar si si degdeg ah loogu hirgeliyo tamar nadiif ah sagaal dal oo Aasiya ku yaalla.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard