Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Saadaq Joon oo is-barbar dhig ku sameeyay Xasan iyo Farmaajo + Video - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Saadaq Joon oo is-barbar dhig ku sameeyay Xasan iyo Farmaajo + Video


Muqdisho (Adduun.com) – Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta ka qayb ka ahaa ansixinta wax ka beddelka iyo dhammaystirka Dastuurka JFS ayaa is-barbar dhig ku sameeyay marxaladda hadda ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo tii uu ka horyimid ee madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Ugu horreyn Saadaq Joog ayaa si weyn u difaacay Dastuurka maanta la dhammaystiray, wuxuuna sheegay inuu muhiim u yahay muwaadin kasta oo Soomaali ah, isla markaana haatan la dhammaystiray Dastuurkii KMG ka ahaa.

“Dastuurka la ansixiyay waa sharaftiina waa sharafteyda maanta kadib dalka Dastuur rasmi ah ayuu yeeshay waxaana u dhaqmeynaa sida adduunka oo kale” ayuu yiri Xildhibaanku.

Mar wax laga waydiiyay sababtii Farmaajo uga horyimid, haddana uu u taageeray qorshaha Xasan Sheekh ayuu ku sheegay in shalay la aaday muddo kororsi sharci darro ah, balse maanta Dastuurka laga saaraykumeel gaarnimadii.

“2021-kii Dastuurka waxaa la galiyay cagta hoosteeda, muddo kororis ayaa la aaday, maanta Dastuurkii ayaa KMG laga bixiyay marka waa laba dhacdo oo kala duwan”. ayuu mar kale yiri Xildhibaan Saadaq Joon.

Wuxuu sii raaciyay “Weliba ku darso ninkii Farmaajo oo sidaas sameeyay hadda isaga oo nabad ah ayuu gurigiisa joogaa marka waa kala duwanaasho wayn”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ay cod aqlabiyad leh ku meel-mariyeen cutubyada 4-aad illaa 15-aad oo ay horay uga doodeen, maadaama wax ka beddel lagu sameeyay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in 36 Senator oo hoolka joogtay iyo Senator maqan uu Online ku codeeyay, halka 185 Xildhibaan oo Golaha Shacabka ahna ay haa ku wada codeeyeen.

Tallaabada uu maanta qaaday Baarlamaanka ayaa ah guul wayn oo usoo hoyatay Villa Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu dadaal xooggan geliyay dhammaystirka Dastuurka Soomaaliya.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard