Istanbul (Adduun.com) – Booliska Turkiga ayaa “ka hortagay” saddex dabley ah, is-rasaaseyn maanta ka dhacday bannaanka qunsuliyadda Israa’iil ee Istanbul, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta, iyadoo hal weeraryahan la dilay laba kalena si xun loo dhaawacay.
Telefishinka CNN Turk ayaa weriyay in booliisku markii hore ku amreen ragga hubeysan inay istaagaan xilli ay kusii jeedeen dhismaha ay ku taallo qunsuliyadda, balse rasaas ay is weydaarsadeen ay qaraxday kadib markii ay diideen amarkaasi.
Warbixinta ayaa intaas ku dartay in raggan la rumeysan yahay inay isku dayayeen inay gaaraan dhismaha qunsuliyadda, islamarkaana ay u gudbaan dabaqa ay ku yaallaan xafiisyada diblomaasiyadeed ee Israa’iil.
“Waxaa la joojiyay saddex ruux oo hubeysan oo weerar la galay ciidanka booliiska ee heeganka ku jiray afaafka hore ee Yapı Kredi Plaza Blocks ee Istanbul. Intii uu socday iska horimaadka, laba ka mid ah askarteenna geesiyaasha ah ayaa dhaawacyo fudud soo gaaray,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga Mustafa Ciftci.
“Aqoonsiga argagixisada waa la caddeeyay. Waxaa la ogaaday in shakhsiyaadka, oo Istanbul ku yimid gaari kireysan oo ka yimid Izmit, uu ku jiro mid xiriir la leh urur diinta ka faa’iideysta; sidoo kalena waxaa la xaqiijiyay in mid ka mid ah labada argagixiso, oo ah walaalo, uu leeyahay diiwaan maandooriye,” ayuu yiri wasiirku.
In kasta oo wasiirka arrimaha guduhu uusan si toos ah u magacaabin, mas’uuliyiinta ayaa sheegay in mid ka mid ah eedeysanayaasha uu xiriir la lahaa kooxda Daacish.
Izmit iyo deegaannada ku dhow, oo ay ku jirto Yalova, ayaa loo arkaa goobo ay ku badan yihiin dad taageersan Daacish.
Bishii December, iska horimaad culus ayaa ka dhacay guri ku yaalla magaalada Yalova intii lagu jiray howlgal lagu beegsanayay tuhmaneyaal lala xiriirinayo Daacish, waxaana halkaas ku dhintay saddex askari oo booliis ah. Lix tuhmaneyaal ah ayaa sidoo kale la dilay.
Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa sanadkii hore dalka oo dhan ka fuliyay howlgallo dhowr ah, kuwaas oo lagu qabtay dad badan oo lagu tuhunsanaa inay xiriir la leeyihiin kooxdaas hubeysan.
Sarkaal Turkish ah oo lagu magacaabo Hasan Oymez ayaa sheegay in mas’uuliyiintu aysan weli hubin in qunsuliyadda Israa’iil ay ahayd bartilmaameedka ugu weyn, maadaama ay maran tahay, iyadoo baaritaanno lagu ogaanayo sababta rasmiga ah ay weli socdaan.
Oymez ayaa sheegay in magacyada tuhmaneyaasha la kala yiraahdo O.C., E.C. iyo Y.E.S.
“Labada walaalaha ah, O.C. wuxuu leeyahay taariikh la xiriirta isticmaalka daroogada,” ayuu yiri. “Gaariga waxaa lagu kireystay magaca E.C., kaas oo aan lahayn wax diiwaan dambiyeed ah. Waxaa sidoo kale la ogaaday xiriir telefoon oo xooggan oo dhexmarayay saddexda qof.”
Sarkaalka ayaa intaas ku daray in Y.E.S. meydkiisa la helay kadib iska horimaadka.
Muuqaallo iyo sawirro kale oo laga duubay goobta dhacdada ayaa muujinaya in tuhmaneyaashu ay wateen qoryo waaweyn iyo boorsooyin dhabarka lagu qaato, taas oo muujineysa inay u diyaarsanaayeen inay muddo dheer la dagaallamaan ciidamada ammaanka.
Wasiirka Cadaaladda Turkiga Akin Gurlek ayaa isna sheegay in dhowr xeer-ilaaliye loo xil saaray baaritaanka weerarkaasi.
Qunsuliyadda Israa’iil ayaa marneyd tan iyo markii Israa’iil ay dib uga yeeratay shaqaalaheeda diblomaasiyadeed iyo kuwa qunsuliyadeed ee Turkiga sababo la xiriira amniga, kadib weerarkii Xamaas hoggaamineysay ee dhacay 7-dii Oktoobar 2023.
Ciidamada booliiska Turkiga ayaa sidoo kale tan iyo 2023 xoojiyay ammaanka xarumaha Israa’iil ku leedahay Istanbul iyo Ankara.
Xiisadda u dhaxeysa Turkiga iyo Israa’iil ayaa sare u kacday sababo la xiriira dagaalka Israa’iil ka waddo Gaza. Ankara ayaa sidoo kale ka soo horjeesatay, islamarkaana isku dayday inay joojiso dagaalka ay Maraykanka iyo Israa’iil ku wadaan Iran.










