Muqdisho (Adduun.com) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya usoo magacowday, Marwo Sandra Lattouf, ayaa la wadaagay warbixin ku aadan marxaladda cusub ee ay haatan gashay Soomaaliya.
Xamza ayaa marka hore Marwo Landra, la wadaagay guulaha hirgalay ee ay xaqiijisay Xukuumadda DanQaran, isaga oo xusay in Soomaaliya ay gashay marxalad dib-u-habeyn iyo dhismaha dowladnimada ah gaar ahaan Qorshaha Isbeddelka Qaranka 2025–2029 (NTP) oo ah qaab-dhismeedka ugu weyn ee hagaya mudnaanta horumarineed ee dalka.
Sidoo kale, wuxuu uga mahadceliyay hey’adda UNICEF, taageeradeeda ku aaddan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, nafaqada carruurta, iyo hirgelinta sidii biyo nadiif ah lagu gaarsiin laha bulshada nugul, gaar ahaan deegaannada ay saameeyeen abaaraha.
Dhankeeda Marwo Sandra Lattouf, ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xoojinta wada-shaqeynta ka dhexeysa labada dhinac, si loo dardargeliyo howlaha muhiimka ah.
Waxaa kale oo ay ballan-qaday in sii wadi doonto taageerada adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, gaar ahaan caafimaadka iyo tallaalka carruurta, la dagaallanka nafaqo-darrada, horumarinta waxbarashada iyo kordhinta helitaanka biyo nadiif ah iyo fayadhowrka.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa soo dhaweyn, iyo sidii loo yeelan lahaa xiriir dhinacyo badan oo u dhaxeeya xukuumadda iyo hay’adda UNICEF oo kamid ah hay’aha caalamiga ah ee ka howlgala gudaha dalka.
Maalmihii u dambeeyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waday kulamo gaar gaar ah oo uu la qaadanayo wakiilada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho, isaga oo kala hadlayay xaaladda Soomaaliya iyo kordhinta taageerada caalamiga ah ee ay hesho dowladda federaalka ah.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaas ah oo ka dhalatay khilaafka doorashooyinka iyo xaalad kale oo la xiriirta abaaraha ka jira dalka.

SIRDOON & QISO
Qisada Ninkii Siliga ku dilay Xaaskiisa | Qisadeena Labaad
SIRDOON & QISO
Basaasadii Cuuryaanka aheyd | Virginia Hall |
SIRDOON & QISO
Basaasadii Masar ku beertay ciidanka ISR |
SIRDOON & QISO
Shabakadii BASAAS ee Kalkaalisada ka aheyd ka GAZA |
