Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Qoor-Qoor oo eryay wasiiro, kuwa cusubna magacaabay + Magacyada - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Qoor-Qoor oo eryay wasiiro, kuwa cusubna magacaabay + Magacyada


Dhuusamareeb (Adduun.com) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa maanta soo saaray xeer madaxweyne oo uu ku magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya golaha wasiirrada dowlad-goboleedka Galmudug.

Wareegtada Madaxweynaha oo tirsigeedu yahay Lr.299, kuna taariikheysan 05-ka March 2026, ayaa lagu magacaabay wasiirro, wasiir-dowle iyo wasiir ku-xigeenno cusub oo ka mid noqonaya maamulka.

Sidoo kale wareegtada ayaa lagu xusay in baahida loo qabo in la helo wasiirro karti leh oo gudan kara waajibaadkooda shaqo ay qeyb ka tahay sababaha loo sameeyay magacaabistan cusub.

Xubnaha cusub ee uu Madaxweynaha magacaabay ayaa kala ah: Maxamed C/raxmaan Xasan oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dastuurka, Maxamuud Cabdi Ciise oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, iyo Cabdullaahi Maxamed Daahir oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha.

Sidoo kale Mustaf Cabdi Xaashi ayaa loo magacaabay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, halka Guuleed Nuur Cabdi loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Duulista iyo Hawada.

Cabdiqadar Axmed Maxamuud ayaa isna loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka ee dowlad goboleedka Galmudug.

Qoor-Qoor ayaa sidoo kale tilmaamay in uu tixgeliyay aqoonta iyo waayo-aragnimada ay leeyihiin xubnaha la magacaabay, ka hor inta uusan soo saarin xeerkan. Iyadoo uu la-tashi la sameeyay madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ka hor inta uusan go’aanka rasmiga ah gaarin.

Si kastaba, Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa faray dhammaan hay’adaha dowlad-goboleedka Galmudug inay la shaqeeyaan wasiirrada cusub si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard