Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Qatar oo jawaab adag ka bixisay weerar ay ku tilmaamtay ‘bareer’ oo Iran ku qaaday… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Qatar oo jawaab adag ka bixisay weerar ay ku tilmaamtay ‘bareer’ oo Iran ku qaaday…


Dooxa (Adduun.com) – Dowladda Qatar ayaa si adag u cambaaraysay weerar ay sheegtay in Iiraan ku qaadday dhismayaal ay deganaayeen xubno ka tirsan Ciidamada Badda ee dowladda Qatar.

Qoraal rasmi ah oo ay goor hore oo maanta ah soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa lagu sheegay in dhismayaasha la beegsaday ay ku yaallaan dalka Baxrayn.

Wasaaraddu waxay sheegtay in goobahaas ay hoos yimaadaan Taliska Mideysan ee Ciidamada Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), oo ay wadaagaan dalalka Khaliijka.

Xukuumadda Dooxa ayaa falkaasi ku tilmaantay “weerar bareer ah” oo si toos ah uga hor imanaya xeerarka caalamiga ah.

Sidoo kale waxay ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida dalka Baxrayn, iyadoo ka digtay in tallaabadan ay sii hurin karto xiisadda gobolka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa xaqiijisay in dhammaan xubnihii ciidamada Qadar ee ku sugnaa dhismayaasha la weeraray ay badqabaan, isla markaana aan la soo sheegin wax khasaare ama dhaawac ah oo ka dhashay weerarkaasi.

Si kastaba, dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan ayaa galay maalintiisii toddobaad, iyadoo weerarraduna ay weli si xiriir ah uga sii socdaan gudaha Iiraan iyo dalal kale oo ku yaalla gobolka Bariga Dhexe.

Dowladda Iiraan ayaa sii wada weerarradeeda gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee ay ka fulinayso guud ahaan Gacanka, xilli Washington iyo Tel Aviv ay ku andacoonayaan in ololehooda milatari — ee loogu magac daray Hawlgalka Cadhada Ba’an (Operation Epic Fury) — uu si xooggan u wiiqayo awoodda milatari ee Iiraan.

Qiyaaso ay Khamiistii soo saartay Xarunta Daraasaadka Istaraatiijiga iyo Caalamiga ah (CSIS) ayaa muujinaya in kharashka ku baxay 100-kii saacadood ee ugu horreeyay Hawlgalka Epic Furyn uu gaaray lacag lagu qiyaasay $3.7 bilyan.

Tani waxay ka dhigan tahay qiyaastii $891 milyan maalintii. Inta badan kharashkan oo gaaraya $3.5 bilyan, ma ahayn mid hore loogu talagalay ama ku jiray miisaaniyadda, sida ay warisay xarunta CSIS.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard