Gaalkacyo (Adduun.com) — Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali “Jifo-jabsade”, ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu taageero iyo hub siiyay ciidamo beeleedyo uu sheegay in lagu wiiqayo amniga iyo xasilloonida deegaannada Puntland.
Guddoomiyaha oo xalay ka hadlay munaasabad ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in dowladda federaalka ay diiday taageeradii tooska ahayd ee ay siin lahayd ciidamada ammaanka Puntland, islamarkaana taa beddelkeeda ay xoogga saartay, sida uu hadalka u dhigay, abaabul ciidan oo lagu dhaawacayo maamul dhisan.
“Xasan wuxuu diiday mushaarkii iyo mashaariicdii ciidamada ammaanka Puntland ee Daraawiishta iyo Booliska, wuxuuna nagu hubeeyay ciidamo beeleedyo uu doonayo inuu nagu burburiyo,” ayuu yiri Jifo-jabsade.
Eedeymahan ayaa kusoo aadaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda federaalka, khilaaf salka ku haya arrimo is biirsaday oo ay ka mid yihiin wax-ka-beddelka dastuurka, amniga, mashaariicda horumarinta, iyo awood-qeybsiga dalka.
Guddoomiyaha Mudug ayaa sidoo kale ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu hor istaagay dhaqaalihii iyo mashaariicdii horumarineed ee Puntland loo qoondeeyay, gaar ahaan mashruuca dhismaha waddada Gaalkacyo iyo Bacaadweyn.
“Anagu waa isku filanahay ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaan. Madaxweyne Xasan wuxuu hor joogsaday dhaqaalihii horumarinta qoondadii Puntland, wuxuu diiday baasaboorrada ciidankii ku dhaawacmay dagaalka Calmiskaad, wuxuuna isku dayey inuu burburiyo Puntland iyo maamulo dhisan oo uu ku hubeeyey ciidan beeleedyo,” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu.
Wuxuu hadalkiisa ku xoojiyay in Puntland ay dareemeyso cadaadis siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo uga imaanaya Villa Somalia, isaga oo tilmaamay in taasi ay qeyb ka tahay muran muddo soo jiitamayay oo labada dhinac u dhexeeyay.
Khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dowladda federaalka ma ahan mid cusub, balse wuxuu si weyn u sii fogaaday tan iyo markii Puntland ay ka hortimid wax-ka-beddelladii lagu sameeyay Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya.
Puntland ayaa ku doodaysa in wax-ka-beddellada dastuurka ee ay ansixiyeen hay’adaha federaalka aan lagu marin hannaan heshiis qaran oo loo dhan yahay, islamarkaana aan lagala tashan dowlad-goboleedyada sida uu farayo dastuurkii lagu heshiiyay 2012, inkasta oo dastuurkii 2012 uu yahay mid sidoo kale aan lagu heshiin, oo ay intiisa badan ay soo qoratay Puntland.
Dhankeeda, dowladda federaalka ayaa isbeddelladaas u aragta tallaabo sharciyeynaya nidaamka dowladnimada iyo dhammeystirka dastuurka dalka. Hase yeeshee Puntland waxay arrintaas u aragtaa mid awood dheeraad ah siinaysa madaxtooyada dhexe, isla markaana yareyneysa doorka dowlad-goboleedyada.
Arrintan ayaa sababtay in xiriirka Garowe iyo Muqdisho uu galo marxalad adag, iyadoo Puntland marar badan sheegtay inay si madax-bannaan isu maamuli doonto ilaa laga gaarayo heshiis siyaasadeed oo cusub oo ku saleysan wada-tashi qaran.
Khilaafka ma ahan mid siyaasadeed oo keliya, balse wuxuu si toos ah u saameeyay iskaashiga amni ee labada dhinac. Puntland ayaa muddooyinkii dambe xoojisay howl-gallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gaar ahaan buuraha Calmiskaad, halkaas oo ay dagaallo culus kula gashay maleeshiyaad xiriir la leh Daacish.
Mas’uuliyiinta Puntland ayaa marar badan sheegay in aysan helin taageeradii buuxday ee dowladda federaalka, inkastoo Muqdisho ay dhankeeda ku adkeysaneyso in amniga dalka uu yahay mas’uuliyad qaran oo mideysan.
Eedeynta cusub ee ka timid guddoomiyaha Mudug ayaa muujineysa in Puntland ay wajaheyso culeys dhaqaale, kadib markii ay yaraatay taageeradii maaliyadeed ee ka iman jirtay Muqdisho.
Jifo-jabsade ayaa sidoo kale khudbaddiisa ku dhaliilay wax-ka-beddelka lagu sameeyay Dastuurkii Ku-meel-gaarka ahaa ee 2012, isaga oo ku tilmaamay mid sharci-darro ah.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nidaamka dastuuriga ah, isaga oo sheegay in wixii wax-ka-beddel ah ay tahay in lagu saleeyo wada-tashi qaran oo loo dhan yahay, si loo ilaaliyo midnimada dalka iyo xasilloonida siyaasadeed.
Kulanka uu ka hadlay guddoomiyaha gobolka Mudug, oo lagu qabtay hoolka madaxtooyada ee magaalada Gaalkacyo, waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland, maamulka gobolka iyo kan degmada, saraakiisha booliiska, waxgarad, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
