Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Puntland oo ku dhowaaqday inay ka tashaneyso Soomaaliya - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Puntland oo ku dhowaaqday inay ka tashaneyso Soomaaliya


Garoowe (Adduun.com) – Xukuumadda Puntland ayaa shaaca ka qaadday inay ka arrinsanayso xaaladda siyaasadeed ee ay ku sugan tahay Soomaaliya, xilli uu khilaaf ka taagan yahay nooca doorasho ee loo jihaysanayo bilaha soo aaddan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), oo la hadlay bulshada degmada Burtinle ee gobolka Nugaal, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan waxba u qaban xilligan Puntland, isla markaana ay dibin-daabyo ku waddo, sida uu hadalka u dhigay.

“Xaaladda Soomaaliya meesha ay marayso, horay ayaan uga diyaarsanayn, waana isdifaaci jirnay. Dagaal ayaan galnay. Dwladda Federaalka wax ay na tarto iska daaye, iyadii ayaaba ciidamo nagu dhex beertay oo ka shaqaysay amni-xumida Puntland. Marka meel aan waxba kaaga soo socon, waxaan rabnaa inaan ka tashanno,” ayuu yiri Wasiir Cabdi Xirsi Cali Qarjab.

Xiisadda u dhaxaysa Dowladda Federaalka iyo Puntland, oo soo jirtay sanado, ayaa hadda sii xoogeysanaysa, iyadoo dhinacyadu is-dhaafsanayaan hadallo kulul oo colaad ka muuqato.

Madaxtooyada Puntland ayaa shalay si adag uga jawaabtay hadal uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ku weeraray qaar ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada ka soo horjeeda Villa Somalia, inkastoo uusan si toos ah u magacaabin Puntland.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifataax Maxamed Nuur, ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ku sheegay in hadalka Ra’iisul Wasaaraha ee ah in ciidanku weerari karaan maamullada ka soo horjeeda qorshahooda aan la aqbali karin.

“Wiilka Xamza ah mas’uuliyad ma saarna, talo faro kuma hayo. Waxa uu ku hadlay waa fal-dambiyeed, duqii keenayna waqtigii ka dhamma,” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa faray ciidamada dowladda inay tallaabo ka qaadaan cidda diidan aragtida doorashada ee dowladda federaalka, isagoo sheegay in uu jiro madaxweyne dowlad-goboleed doonaya in uu goosto haddii aan la aadin doorasho dadban.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa tilmaamay in taasi ay tahay arrin aan la aqbali karin oo fal-dambiyeed ah, islamarkaana ciidamada laga rabo inay diyaar-garoobaan oo arrintaas ka jawaabaan.

“Nin deegaan Soomaaliyeed ku hanjabaya in uu goosanayo haddii aan doorasho dadban la aadin lama aqbali karo. Ciidanow, diyaar-garooba, idinkaa waajibkiinu yahay in aad ilaalisaan midnimada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Hadalka Xamza ayaa yimid xilli Madaxweyne Deni uu heegan geliyay ciidamada Puntland, islamarkaana faray saraakiisha inay saacad kasta u diyaar-garoobaan dagaallo uu sheegay in lagu difaacayo dadka reer Puntland.

Dowladda Federaalka ayaa dhawaan awood ciidan ku muujisay Baydhaba, taas oo cabsi gelisay maamul-goboleedyo ay ka mid tahay Puntland.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard