Garoowe (Adduun.com) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu wehliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa caawa kulan afur iyo wadatashi ah la qaatay Goleyaasha Puntland iyo Xildhibaannada Puntland ku metela Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan Garoowe.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybagalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Axmed Saciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), Xildhibaannada Puntland ku metela Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Goleyaasha Maamulka Puntland.
Inta ay socdeen wada-tashiyada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan arrimaha la’isku hayo ee wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka ku-meel-gaarka ah iyo hannaanka doorashooyinka dalka.
Puntland ayaa mar kale ku celisay in ay diidan tahay meel-marinta dastuurka cusub ee la ansixiyay, waxayna sheegtay in marnaba aysan aqoonsan doonin.
“Dowladda Puntland waxay markale ku celisay in Dastuurka sida sharci darada ah lagu bedelay ee Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud sameystay, aysan Puntland qeyb ka aheyn, sidaasi darteed aysan aqoon saneen , balse keliya ay aqoon santahay Dastuurkii Soomaali heshiiska ku aheyd ee 2012” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Puntland.
Dhanka kale, madaxweyne Deni ayaa u mahadceliyay Xildhibaannada Puntland ku metela Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ee la qaatay go’aanka iyo metelaadda ay ku difaaceen in la bedelo Dastuurkii heshiiska lagu ahaa.
Si kastaba, Puntland, Jubbaland iyo Mucaaradka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u qaadacay in ay oggolaadaan in dastuurka cusub uu dhaqan galo, waxayna tani keeneysaa xaalad siyaasadeed oo horleh iyo dalka inuu galo qalalaase siyaasadeed, marka la’eego sida ay wax ku socdaan.
Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa halka ay ku dambeyn doono natiijada, maadaama madaxweyne Xasan Sheekh uu weli ku adkeysanayo go’aankiisa, mucaaradkana ay lasoo taagan yihiin diidmo adag.
Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo la’isku hayo hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, waxaana sii dheer xaalad kale oo ka dhalatay abaaraha ka jira dalka.

