Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support NISA oo howlgal ku dishay horjooge Mustaf Caato iyo xubno kale - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

NISA oo howlgal ku dishay horjooge Mustaf Caato iyo xubno kale


Muqdisho (Adduun.com) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal culus oo ay maanta NISA ka fulisay deegaanno ka kala tirsan Galmudug iyo HirShabelle, kaas oo ay qayb-qaateen saaxibada caalamiga ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalladu ay ka dhaceen gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha hoose, isla markaana khasaar culus lagu gaarsiiyay maleeshiyada Khawaarijta.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in howlgalka uu socoday todobaad lagu la dilay xubno ka badan ilaa 23 ruux oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab

Sida lagu caddeeyay bayaanka waxaa kamid ah meelaha ay ka dhaceen howlgallada Waab-weyn iyo goobo oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, iyada oo halkaas lagu dilay horjooge sare oo lagu magacaabi jiray Mustaf Caato iyo xubno kale oo la socday.

Dhinaca waxaa tuulooyin hoostaga deegaanka Maxaa Siciid ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyana lagu dilay in ka badan 23 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo isku uruursanayay dhulka hawdka ah.

Maalmihii u dambeeyay ayaa dowladda Soomaaliya & saaxibada caalamiga ah waxa ay kordhiyeen beegsiga ay ku hayaan maleeshiyada Khawaarijta, iyada oo jab lagu gaarsiiyay howlgallo ka kala dhacay koonfurta iyo bartama dalka.

Dhawaan ayey aheyd markii howl-gal si gaar ah loo qorsheeyay uu ka dhacay  degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, kaas oo lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Sahal Iidle  (Abuu Usaama), wuxuuna aad ugu dhawaa hoggaamiyaha guud ee kooxda Axmed Diiriye.

Ninkaaas ayaa sidoo kale loo diyaarinayay inuu beddao horjoogihii maaliyadda Cabdullahi Wadaad oo isna la dilay bishii hore, wuxuuna xilliga uu dhacayay weerarka ku howlanaa uruurinta lacago baad ah, sida ay sheegtay dowladdu.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard