Connect with us

News

Netanyahu oo qarin waayay welwelka uu ka qabo awoodda sii dhismaysa ee…


Tel Aviv (Adduun.com) – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa muujiyay walaac isa soo taraya oo ku aaddan horumarka ciidan ee ay sameyneyso Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.

Wuxuu tilmaamay in Israa’iil ay qaadi doonto tallaabooyin looga hortagayo kororka awoodda militari ee Masar.

Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil iyo Masar ay wadaagaan heshiisyo rasmi ah oo u dhexeeya labada dal.

“Ciidanka Masar wuu sii xoogaysanayaa, waxaa naga dhaxeeya xiriiro iyo dano gaar ah oo aan wadaagno, sidaas oo ay tahay waxa aan la soconaynaa arrintaan innaga oo kahortagayna awood Militari oo xad dhaaf ah in la dhiso,” ayuu yiri Netanyahu.

Sidoo kale wuxuu carrabka ku adkeeyay in Israa’iil aysan marnaba aqbali doonin in Qaahira yeelato awood militari oo gaarta heer ay khatar ama cabsi ku noqoto Israa’iil.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay in Israa’iil ay si dhow ula socon doonto xaaladda, isla markaana ka hortagi doonto dhismaha awood ciidan oo ka baxsan xadka la oggol yahay.

Masar ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday dadaallo ay ku dhiseyso awood militari oo muuqata, taas oo ka dhex iftiimisay Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe, taas oo Israa’iil ku riixday inay dhaqaale badan ku bixiso xakameynta heerka awood ciidan ee Masar, iyadoo Qaahira ay sameysatay iskaashi ay la leedahay dalal aan si wanaagsan ula xiriirin Israa’iil.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in News