Tel Aviv (Adduun.com) – Iyadoo ay sii kordhayso xiisadda ka aloosan gobolka Bariga Dhexe, warbaahinta Israa’iil ayaa bilowday olole ballaaran oo loogu baaqayo xukuumadda Benjamin Netanyahu inay dib u habayn ku sameyso xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Turkiga.
Ololahan ayaa yimid ka dib markii Turkigu la kulmay weerarro gantaallo oo laga soo tuuray dhinaca Iiraan, taas oo khubarada amniga iyo siyaasadda ee Israa’iil ay u arkaan “fursad dahabi ah” oo u baahan in laga faa’iideysto.
Wargeyska caanka ah ee Yedioth Ahronot, oo ka mid ah ilaha ugu saamaynta badan warbaahinta Israa’iil, ayaa daabacay maqaal falanqayn xeeldheer ah oo lagu lafaguray isbeddelka jawiga gobolka.
Wargeysku wuxuu is-weydiiyey:
“Ma suuragalbaa in weerarka gantaallada ee Iiraan ku qaaday Turkiga uu dhiirrigeliyo dib u heshiisiin u dhexeysa Tel Aviv iyo Ankara, isla markaana xoojiyo iskaashi dhex mara labada dhinac oo ka dhan ah cadow ay wadaagaan, kaas oo ah Iiraan?”
Iskaashi ka dhan ah ‘cadowga wadajirka ah’
Khubaro dhanka amniga iyo xiriirka caalamiga ah oo la hadlay wargeyska ayaa aaminsan in, inkastoo sanadihii u dambeeyey uu jiray khilaaf xooggan oo u dhexeeyay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu, haddana danta guud ee labada dal ay haatan ku jirto iskaashi amni.
Danta Israa’iil: Waxay u baahan tahay xulafo xooggan oo gobolka ah si loo xakameeyo saamaynta Iiraan iyo hawlgalada militari ee ay ku lug leedahay.
Danta Turkiga: Weerarkii gantaallada ee Iiraan ayaa muujiyey nuglaanta amni ee Turkiga, taas oo keeni karta in Ankara ay raadiso iskaashi dhanka gaashaandhigga ah oo lala yeesho quwadaha gobolka.
Khubarada ayaa ku boorriyey xukuumadda Tel Aviv in aysan seegin fursaddan taariikhiga ah, iyagoo soo jeediyey in si degdeg ah loo bilaabo wadahadal hoose oo lagu qaboojinayo khilaafkii hore, laguna dhisayo isbaahaysi cusub oo ku qotoma amniga Bariga Dhexe.
Ilaa hadda, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu oo ku aaddan baaqan ka soo yeeraya warbaahinta iyo khubarada dalkaas.
