Muqdisho (Adduun.com) – Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Xaaji Aadan iyo danjiraha dowladda Taliyaaniga Amb Pier Mario Dacccoò Coppi oo ay wehliyaan madaxda Hay’adda Talyaaniga u qaabilsan Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah (AICS) ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis muhiim ah oo lagu hirgelinayo mashruuca QEPHS-SOM, kaas oo diiradda saaraya horumarinta adeegyada caafimaadka aasaasiga ah ee dalka.
Saxiixa heshiiska oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa ka qeyb-galay Agaasimaha xilka sii baneynayo ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Abdijaliil, Agaasime Waaxeedyo, iyo qaar ka mid ah howl wadeenada Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, haka dhinaca Taliyaaniga ay munaasabadda saxiixa goobjoog ka ahaayeen madaxa Hay’adda Talyaaniga ee Iskaashiga Horumarinta (AICS), Mudane Fabio Minniti, iyo sarkaal ka tirsan hay’addaas, Mudane Alessandro Dadomo. Dhammaan mas’uuliyiintan ayaa door muhiim ah ka qaatay hirgelinta iyo xaqiijinta heshiiskan.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in heshiiskan uu xoojinayo nidaamka caafimaadka dalka, isla markaana uu si toos ah u taabanayo bulshada.
“Heshiiskan ayaa ah tallaabo weyn oo loo qaaday dhinaca xoojinta nidaamka caafimaadka dalka, gaar ahaan adeegyada aasaasiga ah ee bulshada si toos ah u taabanaya. Mashruuca QEPHS-SOM waxaa loogu talagalay in lagu hubiyo in dhammaan bulshada Soomaaliyeed ay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh, la isku halleyn karo, isla markaana loo siman yahay” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale wuxuu intaas kusii darayaa “Waxa uu si gaar ah diiradda u saaraya in la yareeyo farqiga u dhexeeya magaalooyinka iyo miyiga, si adeegyada caafimaad ay u gaaraan meelaha ay baahida ugu badan ka jirto”.
Mashruuca QEPHS-SOM ayaa waxaa si buuxda u maalgelinaya Dowladda Talyaaniga, oo sheegtay inay ka go’an tahay taageeridda horumarinta Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada bulshada ee muhiimka ah sida caafimaadka.
Iskaashigan u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa ah mid taariikhi ah oo muddo dheer soo jiray, waxaana heshiiskan cusub uu xoojinayaa xiriirkaas, isaga oo horseedaya iskaashi wax ku ool ah oo lagu gaari karo horumar waara.
Si kastaba, heshiiskan ayaa wuxuu astaan u yahay dadaalka joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ugu jirto dib-u-dhiska iyo horumarinta nidaamka caafimaadka, iyadoo la xoojinayo iskaashiga caalamiga ah. Waxaa la rajeynayaa in hirgelinta mashruuca QEPHS-SOM ay horseedi doonto isbeddel muuqda oo ku yimaada tayada iyo gaarsiinta adeegyada caafimaadka, taas oo si toos ah u saameyn doonta nolosha malaayiin Soomaali ah, islamarkaana xaqiijin doonta in qof walba uu helo daryeel caafimaad oo ku filan oo uu mudan yahay.

