Muqdisho (Adduun.com) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo hadda ah guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Towfiiq ayaa si weyn u taageeray tallaabadii ay dhawaan labada aqal ee Baarlamaanka ku ansixiyeen dastuurka cusub.
Dastuurkan oo uu si rasmi ah u saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayuu bogaadiyay Sheekh Shaakir oo haatan la dhacsan qorshaha doorashada qof iyo cod, taas oo si adag uga horyimaadeen mucaaradka.
Ansixinta dastuurka cusub ayuu ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo looga gudbay magacii dastuur ku-meel-gaar ah, isla markaana ay Soomaaliya u furtay waddo cusub.
“Tallaabada taariikhiga ah ee lagu meel mariyay dastuurka Soomaaliya, loogana gudbay magacii dastuur ku-meel-gaar ah, waxay Soomaaliya u furtay waddo cusub oo ka turjumaysa dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Sheekh Shaakir.
Sidoo kale waxa uu intaas ku sii daray: “Waxaan hambalyo u dirayaa madaxda dowladda iyo labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, sida geesinimada leh ee ay uga soo shaqeeyeen in Soomaaliya yeelato dastuur dhameystiran.”
Tallaabadan ayuu ku tilmaamay mid muhiim u ah hanaanka dowladnimada Soomaaliya iyo in la helo dowlad si wax-ku-ool ah ugu adeegta shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Axaddii si rasmi ah u saxiixay nuqulka dastuurka cusub ee Soomaaliya, isaga oo ku dhawaaqay dhaqan-galkiisa.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo warbaahinta kula hadlay madasha saxiixa dastuurka ee Qasriga Madaxtooyada ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay dowladdu bilaabi doonto dhaqan-gelinta dastuurka cusub ee dalka.
Madaxweynaha ayaa xusay in dastuurkan uu saldhig u noqon doono xoojinta hay’adaha dowladda, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.
Waxa uu tilmaamay in geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka uu ahaa mid dheer oo soo maray marxalado kala duwan, isla markaana ugu dambeyn ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Dastuurkan oo toddobaadkii hore ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhigaya in muddo-xileedka madaxweynaha uu noqdo shan sano, halka uu hore uga ahaa afar sano.
Arrintan ayaa ka dhigan in hal sano oo dheeraad ah uu qaadan karo Madaxweyne Xasan Sheekh oo haatan ku jira bilihii u dambeeyay ee muddo-xileedkiisa, taas oo uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee dalka.
