Muqdisho (Adduun.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 12 muwaadin Soomaaliyeed oo muddo ku xirnaa xarumo ku yaalla magaalooyinka Khartoum iyo Omdurman ee dalka Sudan.
Muwaadiniintan ayaa la qabtay xilli ay isku dayayeen inay si sharci-darro ah ugu tahriibaan dalal kale, waxaana ay ku jireen xabsi dhowr sano ah ka hor inta aan lagu guuleysan in dib loogu soo celiyo Soomaaliya, kadib dadaallo diblomaasiyadeed oo ay sameysay dowladda.
Markii ay soo gaareen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaa halkaas ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Mas’uuliyiinta soo dhaweeyay muwaadiniintan ayaa u muujiyay taageero iyo daryeel, iyagoo sidoo kale sheegay in dowladda ay sii wadi doonto dadaallada lagu caawinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan waddamada dibadda.
Waxay xuseen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siineyso ilaalinta xuquuqda iyo badbaadada dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalalka kale, ayna mar walba ka shaqeyn doonto sidii loo soo badbaadin lahaa muwaadiniinta la kulma xaalado adag.
Sidoo kale waxaa loo mahadceliyay Safaaradda Soomaaliya ee Sudan, Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM), iyo dowladda Sudan kaalintii ay ka qaateen fududeynta sii deynta iyo dib usoo celinta muwaadiniintan.
Ugu dambeyn, Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqday inay ka fogaadaan tahriibka sharci-darrada ah, iyagoo ku booriyay inay ka fiirsadaan khataraha waaweyn ee ka dhalan kara safarrada noocaas ah.
