Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Muungaab oo xarigga ka jaray mashruuc muhiim u ah Muqdisho + Sawirro - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Muungaab oo xarigga ka jaray mashruuc muhiim u ah Muqdisho + Sawirro


Muqdisho (Adduun.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta oo Khamiis ah xarigga uga jaray mashruuca istiraatiijiga ah ee biyo-qabadka Warta Siigaale, oo la dhagax-dhigay dabayaaqadii bishii Agoosto 2025,kaas oo muhiim u reer Muqdisho.

Munaasabadda xarig-ka-jarka ee maanta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiye Ku-xigeenka Howlaha Guud, Mudane Cabdimajid Daahir Aadan, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Marwo Bilan Bile Maxamuud, maamulka Degmada Hodan, iyo mas’uuliyiin kale oo sarsare oo ka tirsan Dowladda Hoose ee Xamar.

Duqa Muqdisho oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhismaha biyo-qabadka Warta Siigaale uu ka qayb-qaadanayo badbaadinta muwaadiniinta iyo hantida shacabka caasimadda, gaar ahaan xilliyada roobabka iyo fatahaadaha.

“Maanta waxa aan daah-fureynaa mashruuc istiraatiiji ah oo door weyn ka qaadanaya badbaadinta nafaha iyo hantida shacabka caasimadda, gaar ahaan xilliyada roobabka iyo fatahaadaha. Warta Siigaale waxa ay si toos ah u adeegtaa toddobo degmo, hirgelinta mashruucanna waa tallaabo muuqata oo lagu xoojinayo amniga iyo nolosha bulshada.” ayuu yiri, Mudane Muungaab.

Sidoo kale, Biyo-qabadka Warta Siigaale oo leh muhiimad gaar ah, maadaama ay isugu ururaan biyaha toddobo degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir, ayaa waxaa fulisay Dowladda Hoose ee Xamar oo kaashaneysa bahwadaagta caalamiga ah si loo xoojiyo kaabayaasha muhiimka ah ee adeegyada bulshada.

Waxaa kale oo la qorsheynayaa in si degdeg ah loo guda galo wejiga labaad ee mashruuca, kaasoo diiradda lagu saari doono horumarinta deegaanka ku xeeran, oo ay ka mid yihiin nadiifinta guud, hagaajinta bilicda, iyo ku-beerista dhir si loo xaqiijiyo joogtaynta iyo waaritaanka deegaanka, sida uu sheegay Muungaab:

“Mashruucan ma aha mid halkan ku eg; waxa aan si qorsheysan u sii wadaynaa wejigiisa xiga, si loo ballaariyo adeegyada, loona xaqiijiyo horumar waara oo ay ka faa’iideystaan dhammaan shacabka Gobolka Banaadir.” ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Si kastaba, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalmahan dambe waday qorsheyaal waa wayn oo lagu hormarinayo caasimada, waxaana dib loo dhisay waddooyin muhiim ah iyo xarumo dadweyne oo ku yaal magaalada Muqdisho.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard