Muqdisho (Caasimaada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta qaaday tallaabo si weyn loogu bogaadiyay maamulkiisa, kadib markii uu si deg-deg ah u joojiyay boosaneer si sharci darro ah looga qodayay waddo dhexdeeda.
Muungaab ayaa shaaca ka qaaday in dhibaatooyin badan ay ka dhasheen laamiyada la jajabinayo iyo boosanareeda laga dhisayo, isaga oo sheegay in ay ka hortegi doonaan.
“Hadda waddadan bartamaheeda haddii boosaneer laga qodo waxaa dhaceysa in baabuur macal shacabka la socda iskula dhacaan, siday horay u dhacday marka waxaa la rabaa boosaneer cid walbaa inay mitirkeeda ka qodato” ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Waxaa kale oo uu kusii daray “Sheekadan waddooyinka boosaneerada laga qodaayo waa sheeko caan baxday oo meel martay xilligii burburka iyo dowlad la’aanta ka jirtay dalka”.
Guddoomiyaha Gobolka ayaa xusay in maanta ay joojiyeen boosaneer wayn oo laga qodayay waddo muhiim ah oo ku taalla degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, uuna u diray mas’uuliyadda ku shaqada leh iyo ciidamada Booliska.
“Hadda maanta Wadajir ayaan ka joojinay ooh adda ayuu agaasimaha kasoo joojiyay daraad halkan oo Hodan ayay ahayd annaga taas dagaal ayaan kula jirnaa” ayuu mar kale yiri Muungaab.
Hadalkan ayuu guddoomiyuhu maanta ka sheegay xarrig jarka waddo cusub oo laga hirgeliyay Degmada Hodan, taas oo loogu magacdaray Imaamu Shaafici.
Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale waddadaas dhir ku beeray taasi oo qeyb ka ah qorshaha dhireynta Caasimadda, waxa uuna sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu sii wadi doonno horumarinta iyo dib-u-dhiska kaabayaasha, asigoo bulshada ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan illaalinta bilicda, bixinta canshuuraha iyo la shaqeynta laamaha amniga.
