Muqdisho (Adduun.com) – Markabka shidaalka ka qodaya badda Soomaaliya ee Çağrı Bey ayaa maanta soo soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ka bilaabi doono howlgal qodis ah, oo wax weyn ka beddeli karta mustaqbalka dhaqaale ee Soomaaliya.
Howlgalka ayaa la shaaciyey in uu socon doono ku dhowaad 10 bilood, taasoo noqoneysa howlgalkii ugu horreeyay ee Turkigu ka fuliyo meel ka baxsan xuduudihiisa.
Markabkan, oo bartamihii bishii Febraayo ka soo shiraacday koonfurta Turkiga, ayaa la filayaa inuu soo gabagabeeyo safarkiisii 53 maalmood qaatay, iyadoo Muqdisho lagu qaban doono munaasabad lagu soo dhoweynayo oo uu ka qeyb geli doono Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar.
Kadib marka uu yimaado, markabku wuxuu billaabi doonaa qodista ceel ku yaalla meel qiyaastii 372 kiiloomitir u jirta xeebaha Soomaaliya. Ceelkaas ayaa loo bixiyay “Curad-1”, waxaana la filayaa inuu noqdo mid ka mid ah ceelasha shidaal ee ugu qoto dheer dunida ee badda laga qodo.
Sida ay sheegtay wasaaradda tamarta ee Turkiga, howlgalka qodista ayaa noqon doona mid soconaya 288 maalmood, waxaana laga fulin doonaa biyo qoto-dheerkoodu gaarayo ilaa 3,500 mitir, halka ceelka laftiisa uu sii degi doono ku dhowaad 4,000 mitir oo kale oo ka hooseeya gunta badda. Taas ayaa wadarta qoto-dheerta ka dhigeysa ku dhowaad 7,500 mitir.
Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa sheegaya in Curad-1 uu sidaas ku noqon karo ceelka labaad ee ugu qoto dheer adduunka ee badda laga qodo.
Goobta qodista ayaa la xushay kadib markii markabka cilmi-baarista dhulka ee Turkiga, Oruç Reis, uu 234 maalmood ku qaatay ururinta xogta juqraafiyeed ee saddex baloog oo ku yaalla biyaha Soomaaliya. Baaritaannadaas ayaa daboolay aag dhan 4,464 kiiloomitir oo laba jibbaaran, ka hor inta aan khubaradu go’aamin goobtan loo arkay inay tahay meel rajo weyn leh.
Qiyaastii 500 oo shaqaale ah ayaa ka qeyb qaadan doona howlgalka, iyagoo u shaqeyn doona qaab is-wareeg ah. Ciidanka badda ee Turkiga ayaa sidoo kale taageeri doona hawsha, iyadoo maraakiibta TCG Sancaktar, TCG Gökova iyo TCG Bafra ay ilaalin doonaan markabka Çağrı Bey inta uu socdo howlgalka.
Wasiir Bayraktar ayaa ku tilmaamay howlgalkan tallaabo taariikhi ah oo ka tarjumeysa himilada tamareed ee Turkiga, isaga oo sheegay in mashruucani caddeyn u yahay qorshaha Ankara ee ah inay noqoto quwad saameyn ku leh tamarta caalamka.
“Waajibaadka taariikhiga ah ee Çağrı Bey waa astaanta ugu cad ee muujineysa aragtida Turkiga ee ah inuu noqdo ciyaaryahan xooggan oo saameyn leh oo ka dhex muuqda tamarta caalamka,” ayuu yiri Bayraktar.
Wuxuu sidoo kale sheegay in howlgalkaasi uu dan u yahay barwaaqada labada dal, isla markaana uu sii xoojin doono xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya.
Hawlgalka Soomaaliya wuxuu qeyb ka yahay dadaalka ballaaran ee Turkiga uu ku doonayo inuu ku fidiyo sahminta shidaalka iyo gaaska ee dibadda, isla markaana uu ku yareeyo ku tiirsanaanta tamarta dibadda laga soo dejiyo.
Bayraktar ayaa horey u sheegay in Turkigu higsanayo inuu wax-soo-saarkiisa saliidda iyo gaaska gaarsiiyo qiyaastii 500,000 oo fuusto maalintii marka la gaaro 2028, halka bartilmaameedka muddada dheer uu yahay hal milyan oo fuusto maalintii, taasoo lagu gaari doono sahanno gudaha ah iyo iskaashi dibadeed.
