Muqdisho (Adduun.com) – Xubnaha Golaha Samata-bixinta ee horey heshiiska ula gaaray Dowladda Federaalka Soomaaliya oo bayaan wadajir ah soo saaray ayaa caddeeyay mowqifkooda ku aadan ansixinta wax ka beddelka dastuurka oo ay shalay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Xubnahan oo kala ah nadaxweynihii Hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya, Danjire Daahir Maxamuud Geelle ayaa si weyn usoo dhaweeyay dhammaystirka dastuurka dalka, iyaga oo uu mahadceliyay madaxweynaha iyo baarlamaanka dalka.
Sidoo kale waxa ay bayaankooda ku sheegeen in tallaabadan ay muujineyso biseyl siyaasadeed, iyaga oo ugu baaqay siyaasiyiinta kale ee mucaaradka in ay fiiriyaan danta guud iyo horumarka dalka.
“Waxaan u aragnaa tallaabadan mid muujinaysa bisayl siyaasadeed, dhowrista heshiisyada qaran iyo xoojinta nidaamka dimuqraadiga ah ee ku dhisan wada-tashi iyo isla xisaabtan” ayaa lagu yiri qoraalka.
Hoose ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammaystiran:-
BAYAAN WADAJIR AH, Ku Saabsan Ansaxinta dhameystirka iyo Wax-ka-beddelka Dastuurka
Taariikh: 04/03/2026
Goob: Muqdisho, Somalia
Annagoo ah Xubnaha Golaha Samata-bixinta ee hore heshiis ula gaaray Dowladda Federaalka Soomaaliya arrimaha la xiriira wax-ka-beddelka Cutubka 4aad ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah, gaar ahaan qodobada hoos ku xusan:
1- In nidaamka dowladnimo ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu sii ahaado nidaam Baarlamaani, iyadoo Madaxweynaha ay doortaan Xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.
2- In Ra’iisul Wasaaruhu helo kalsoonida Baarlamaanka, isla markaana Baarlamaanku xaq u leeyahay inuu kala noqdo kalsoonidaas si waafaqsan Dastuurka.
3- In tirada Xisbiyada Qaranka aan lagu xaddidin saddex (3), si loo xaqiijiyo furfurnaan siyaasadeed, tartan dimuqraadi ah, iyo matalaad ballaaran.
Waxaan si wadajir ah u hambalyeyneynaa hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Baarlamaanka Federaalka, oo ansaxiyay dhammaystirka wax-ka-beddelka Dastuurka, kuwaas oo ay ku jiraan qodobadii aan hore heshiiska uga gaarnay Dowladda.
Waxaan u aragnaa tallaabadan mid muujinaysa bisayl siyaasadeed, dhowrista heshiisyada qaran iyo xoojinta nidaamka dimuqraadiga ah ee ku dhisan wada-tashi iyo isla xisaabtan.
Sidoo kale, annagoo aaminsan in Dastuurku yahay dokumenti nool oo la jaanqaadi kara duruufaha iyo baahiyaha isbeddelaya ee bulshada, waxaan soo jeedinayaa in Dowladda Federaalka ay sii waddo wadahadal iyo wada-tashi qaran oo furan oo lala yeesho kooxaha mucaaradka iyo dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed, si loo gaaro is-afgarad ku saabsan qodobada ay u arkaan in ay u baahan yihiin dib-u-eegis dheeraad ah.
Waxaan ku boorrineynaa dhammaan dhinacyada siyaasadeed in ay ka hormariyaan danaha qaranka kala aragti duwanaanta, isla markaana ay ka shaqeeyaan xasillooni siyaasadeed,
midnimo qaran, iyo hirgelinta dastuur loo dhan yahay.
Waxaa bayaankan si wadajir ah u soo saaray:
1. Mudane Shariif Xassan Sh. Aadan – Guddoomiyihii Hore ee Barlamaanka Somalia iyo Madaxweynihii Hore ee Koonfur Galbeed.
2. Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke – Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Somalia.
3. Danjire Daahir Maxamuud Geelle – Wasiirkii Hore ee Warfaafinta.


SIRDOON & QISO
Qisada Ninkii Siliga ku dilay Xaaskiisa | Qisadeena Labaad
SIRDOON & QISO
Basaasadii Cuuryaanka aheyd | Virginia Hall |
SIRDOON & QISO
Basaasadii Masar ku beertay ciidanka ISR |
SIRDOON & QISO
Shabakadii BASAAS ee Kalkaalisada ka aheyd ka GAZA |
