Muqdisho (Adduun.com) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa kulan xasaasi ah oo xalay magaalada Muqdisho ku dhex-maray Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Taliyaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, kaas oo diiradda lagu saaray dhacdooyinkii ugu dambeeyay, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqa mucaaradka iyo tallaabooyinka dowladda.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in si gaar ah kulankan loogu falanqeeyay is hortaggii lagu sameeyay hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo labadii cisho ee lasoo dhaafay loo diiday inay hubkooda la galaan xeyndaabka garoonka ee xerada Xalane, taas oo keentay xiisad horleh oo u dhexeysa labada dhinac.
Sida ay ogaatay Adduun.com, kulanka Shariif iyo Mahad Salaad ayaa xal looga gaaray arrintan, gaar ahaan habraaca amniga ee garoonka Aadan Cade iyo gelitaankiisa, iyada oo fursad la siiyay mucaaradka.
Ilo wareedyo ku dhow Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa innoo xaqiijiyay in la isla gartay in madaxdii hore loo ogolaado tiro kooban oo ciidan ah in ay la galaan gudaha garoonka iyo sidoo kale in madaxda mucaaradku ay ku wargeliyan laamaha amniga markii ay u socdaan gudaha xerada Xalane.
Sidoo kale waxaa lagu heshiiyay in wixii ka dambeeya 5-ta galabnimo aan la adeegsan karin albaab aan aheyn midka Marina Gate, halkaas oo habeenkii laga galo xerada Xalane, sida uu dhigayo habraaca amniga.
Dowladda Soomaaliya ayaa markii hore adkeysay gelitaanka garoonka, waxayna taasi sababtay inuu sameeyo mucaaradka, kadib markii laga soo celiyay aagga garoonka, loona diiday inay u gudbaan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo hadda deggan hoteel ku yaalla gudaha garoonka Aadane Cadde ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale arrintaas ayaa sababtay inuu baaqdo kulan ay habeen hore lahaayeen mucaaradka iyo labada madaxweyne oo si weyn uga soo horjeedo qorshaha Villa Somalia ee la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo wax ka bedelka Dastuurka.
Si kastaba, Lama iga sida ay wax noqon doonaan waxaase laga war sugayaa natiijada kasoo baxda wada-hadallada la filayo inay dhex-maraan Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan yihiin Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka.
SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
