Muqdisho (Adduun.com) — Dowlad-goboleedka Waqooyi-Bari Soomaaliya (Northeastern State) ayaa si diirran u soo dhaweysay go’aankii uu Baarlamaanka Federaalka ku ansixiyay dastuurka dib-u-eegista lagu sameeyay ee dalka, iyagoo tallaabadan ku tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta nidaamka federaalka iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.
War-saxaafadeed Khamiistii kasoo baxay Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka ee maamulkaas ayaa hambalyo loogu diray labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, iyagoo lagu bogaadiyay soo afjaridda geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka oo muddo dheer dib u dhac ku imanayay.
Wasaaradda ayaa meel-marinta axdigan dib-u-habeynta lagu sameeyay ku sifeysay horumar taariikhi ah oo salka u adkeynaya qaab-dhismeedka siyaasadeed ee Soomaaliya, kadib sanado badan oo dalku uu ku soo shaqeynayay nidaam ku-meel-gaar ah.
“Dastuur dhammaystiran waxa uu asaas u yahay nidaamka dowladeed, kala-sarraynta hay’adaha iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda.
Baarlamaanka labada aqal ee Soomaaliya ayaa Arbacadii kulan wadajir ah ku meel-mariyay dastuurka la casriyeeyay, kaas oo si rasmi ah u beddelaya dastuurkii kumeel-gaarka ahaa ee la qaatay sanadkii 2012 markii uu dhammaaday xilligii kala-guurka.
Xildhibaannada ayaa sheegay in wax-ka-beddelka oo koobaya Cutubyada 1-aad ilaa 13-aad uu si cad u qeexayo awood-qaybsiga dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada, isla markaana uu qeexayo waajibaadka hay’adaha, nidaamka federaalkana uu xoojinayo.
Wasaaradda maamulka Waqooyi-Bari ayaa xustay in dhammaystirka dastuurku uu gacan ka geysan doono yaraynta khilaafaadka dhanka sharciga iyo maamulka, maadaama uu si cad u qeexayo awoodaha hay’adaha heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.
Sidoo kale, waxay ugu baaqday hay’adaha federaalka, maamul-goboleedyada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah inay sii wadaan wadatashiyada la xiriira dhaqan-gelinta dastuurka, si loo xaqiijiyo in dukumiintigan uu si dhab ah uga turjumayo midnimada qaranka.
“Waxaan ugu baaqaynaa labada aqal ee baarlamaanka inay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan dhammaystirka habraacyada dastuuriga ah ee harsan, iyagoo ilaalinaya midnimada, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya,” ayay tiri wasaaraddu.
Dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya ee la qaatay 2012-kii ayaa aasaasay hay’ado federaal ah oo joogto ah, balse wuxuu ka tagay qodobo muhiim ah oo aan xal loo helin, iyadoo xukuumadihii is-xigay ay ballan-qaadayeen dib-u-eegis dhammaystiran.
Geeddi-socodkaas ayaa si is-daba-joog ah dib u dhac ugu imanayay, taas oo inta badan salka ku haysay khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeyay dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada dalka.
