Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Milateriga Soomaaliya oo qorsheynaya qabsashada Maxaas – Maxaa socda? - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Milateriga Soomaaliya oo qorsheynaya qabsashada Maxaas – Maxaa socda?


Maxaas (Adduun.com) – Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka wada deegaanno hoos yimaada degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa sheegay in cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ay gaareen dhowr deegaan oo muhiim ah, kuwaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, oo halkaas ka waday abaabul ciidan iyo falal lid ku ah amniga.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada ay sameeyeen baaritaanno iyo howlgallo sifeyn ah oo lagu xaqiijinayo amniga, isla markaana ay isku fidinayaan deegaannada ku teedsan Maxaas.

Saraakiisha ayaa sidoo kale xusay in howlgaladan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo Dowladda Federaalka ay ku dooneyso in dib loogu xoreeyo degmada Maxaas, taas oo bartamihii sanadkii 2025 ay dib ula wareegtay Al-Shabaab, kadib dagaallo culus oo halkaas ka dhacay.

Ciidamada howlgalka fulinaya ayaa waxaa garab siinaya ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda, kuwaas oo si wanaagsan u yaqaanna juqraafi ahaan dhulka, isla markaana door weyn ka qaadanaya hagidda iyo la socodka dhaq-dhaqaaqyada kooxda.

Iskaashiga u dhexeeya Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa la sheegay in uu sare u qaaday waxtarka howlgalka, iyadoo la tilmaamay in guulo horudhac ah laga gaaray meelaha qaar oo horey ay u maamulayeen Al-Shabaab.

Si kastaba, ciidamada iyo dadka deegaanka ayaa xoojiyay dhaq-dhaqaaqyada amni ee ka wadaan gobolka Hiiraan, oo goobo kamid ah la filayo in ay ka dhacaan doorashooyin qof iyo cod ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda adkaysay muhiimadda ay leedahay sugidda amniga guud ee dalka, iyadoo sheegtay inay dadaal xooggan ku bixinayso sidii looga hortagi lahaa weerarrada Al-Shabaab, loona xaqiijin lahaa xasillooni waarta oo ka hanaqaadda gobollada dalka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard