Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Miisaanka dagaalka Iiraan oo u janjeera dhanka Tehran iyo Trump oo jahwareersan - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Miisaanka dagaalka Iiraan oo u janjeera dhanka Tehran iyo Trump oo jahwareersan


Tehran (Adduun.com) — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo gaba-gabeynaya toddobaadkii saddexaad ee dagaalka Iiraan isagoo wajahaya xasarad u muuqata mid farahiisa ka baxeysa, sida ay werisay Reuters.

Qiimaha tamarta caalamka ayaa cirka isku shareeray, xukuumadda Washington ayaa u muuqata mid ka dhex go’doonsan xulafadeeda, ciidamo horlehna waxay isku diyaarinayaan in la daadgureeyo, in kasta oo uu horay u ballanqaaday in dagaalku uu noqon doono “tamashle kooban.”

Isagoo is-difaacaya, Madaxweyne Trump ayaa waddamada kale ee gaashaanbuurta NATO ku tilmaamay “fulayaal” kadib markii ay ka gaabsadeen inay gacan ka geystaan sugidda amniga Marinka Hormuz, wuxuuna ku adkeystay in howlgalku uu u socdo sidii loo qorsheeyay.

Balse hadalkiisii Jimcaha ee ahaa in dagaalka “milateri ahaan lagu guuleystay” ayaa ka hor istaagay xaqiiqada dhabta ah ee Iiraan oo muujinaysa adkeysi indha-adayg leh, iyadoo xannibtay isku-socodka shidaalka iyo gaaska Khaliijka, isla markaana gantaallo ku garaacaysa guud ahaan gobolka.

Trump, oo xafiiska la wareegay isagoo ballan qaaday inuu Mareykanka ka fogeyn doono faragelinta milateri ee uu ugu yeeray “nacasnnimada,” ayaa haatan u muuqda mid aan maamulayn natiijada iyo farriimaha colaad uu isagu qayb ka ahaa kicinteeda.

La’aanta istaraatiijiyad cad oo looga baxo dagaalkan ayaa xambaarsan khataro weyn oo ku wajahan dhaxalkiisa madaxtinimo iyo rajada siyaasadeed ee xisbigiisa, xilli xubnaha Jamhuurigu ay la daalaa-dhacayaan sidii ay u difaacan lahaayeen aqlabiyaddooda ciriiriga ah ee Koongareeska doorashooyinka dhexe ee bisha Nofeembar.

“Trump wuxuu isku dhisay sanduuq la yiraahdo dagaalka Iiraan, mana garanayo sidii uu uga bixi lahaa,” ayuu yiri Aaron David Miller, oo horay u ahaa dhex-dhexaadiye arrimaha Bariga Dhexe ee maamulladii Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga.

Wuxuu xusay in taasi tahay isha ugu weyn ee niyad-jabkiisa. Balse sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa gaashaanka ku dhuftay qiimeyntaas, isagoo ku dooday in la khaarajiyay inta badan madaxdii sare ee Iiraan, la quusiyay ciidamadoodii badda, lana burburiyay inta badan kaydkoodii gantaallada ballistic-ga, wuxuuna ku tilmaamay “guul milateri oo aan muran ka taagneyn.”

Xaddidnaanta awoodda Trump

Xaddidnaanta awoodda Trump — dhanka diblomaasiyadda, milateriga iyo siyaasadda — ayaa si cad u soo ifbaxday toddobaadkii la soo dhaafay.

Sida uu sheegay sarkaal kale oo ka tirsan Aqalka Cad, madaxweynaha ayaa la kulmay lama filaan markii xubnaha NATO iyo saaxiibada kale ee caalamka ay ka caga-jiideen inay maraakiibtooda dagaalka u diraan si ay u sugaan Marinka Hormuz.

Xilli madaxweynuhu uusan doonayn inuu u muuqdo mid go’doonsan, qaar ka mid ah la-taliyeyaasha ayaa u soo jeediyay inuu si degdeg ah u raadiyo waddo “looga baxo” dagaalka, xadna u yeelo baaxadda howlgalka milateri, in kasta oo aan la hubin in dooddaasi ay ku filan tahay inay qanciso Trump.

Khilaafyo u dhexeeya Washington iyo Israa’iil ayaa sidoo kale bilaabay inay soo shaac baxaan. Trump ayaa ku adkeysanaya inuusan horay uga warqabin weerarkii Israa’iil ay ku qaadday xarunta gaaska Iiraan ee South Pars, halka saraakiisha Israa’iil ay sheegeen in duqeynta dhab ahaantii lala kaashaday Mareykanka.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Trump uu haatan isku arko isgoys uu taagan yahay Howlgalka ‘Epic Fury’, iyadoo aan la hubin waddada uu qaadi doono.

Wuxuu go’aansan karaa inuu dagaalka sii xoojiyo oo uu xitaa la wareego xarunta shidaalka Iiraan ee Jasiiradda Kharg, ama uu ciidamo dhoobo xeebaha dalkaas si ay u ugaarsadaan gantaallada. Balse taasi waxay dhalin kartaa dagaal muddo dheer qaata oo shacabka Mareykanku ay aad uga soo horjeestaan.

Dhanka kale, maadaama labada dhinac ay diidan yihiin wada-xaajood, Trump ayaa ku dhawaaqi kara guul oo isaga bixi kara, balse taasi waxay dhaawici doontaa kalsoonida xulafada Khaliijka oo wejihi doona Iiraan dhaawacan, cadowtooyo wadda, isla markaana sii wadi karta raadinta hub nukliyeer ah oo awood u leh inay maamusho isku-socodka Khaliijka.

Jimcihii, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa werisay in milateriga Mareykanku uu kumanaan ciidamo dheeraad ah u daadgureynayo Bariga Dhexe, inkastoo aan weli go’aan laga gaarin in ciidamo toos loo geliyo gudaha Iiraan.

Cawaaqibka iyo xisaab-xumada Milateri

Dagaalkan ayaa sidoo kale muujiyay in saameyntii birta ahayd ee Trump uu ku lahaa dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed ee MAGA ay sii daciifayso, iyadoo shakhsiyaad caan ah ay si furan uga horyimaadeen colaadda.

In kasta oo taageerayaashiisu ay inta badan garab taagan yihiin ilaa hadda, falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in awoodda Trump ay wiiqmi karto toddobaadyada soo socda haddii sicirka shidaalku uu sii kordho, ciidamona la daadgureeyo.

Istaraatiijiyaha xisbiga Jamhuuriga Dave Wilson ayaa xusay in marka dhaqaaluhu uu saameyn yeesho, shacabku ay isweydiin doonaan sababta ay mar kale shidaal qaali ah u bixinayaan iyo sababta Marinka Hormuz uu u go’aaminayo inay fasax aadi karaan iyo in kale.

Sida ay sheegeen xubno ku dhow Aqalka Cad, tan iyo markii dagaalku qarxay, waxaa maamulka dhexdiisa ku soo badanayay dareenka ah in colaadda iyo cawaaqibkeeda ay ahayd in horay loo sii qorsheeyo si ka wanaagsan sidii dhacday.

Iiraan ayaa kaga aargudatay gantaalladii u haray iyo diyaarado drones ah si ay u wiiqdo awoodda milateri ee cadowgeeda, iyadoo xirtay marinka ugu muhiimsan dhoofinta shidaalka ee caalamka.

Safiirkii hore ee Mareykanka John Bass ayaa xusay in maamulku ku fashilmay inay ka fikiraan dhibaatooyinka ka dhalan kara dagaalka Iiraan, iyo in aysan waxyaabuhu u socon karin sidii warqadda ugu qorneyd.

Ugu dambeyn, xilli colaaddu ay daba-dheeraatay, Trump ayaa muujiyay jahawareer ka dhashay awood la’aantiisa ku aaddan maamulida sheekada warbaahinta, isagoo weriyeyaasha ku eedeeyay “khiyaano qaran” markii ay tebiyeen warar uu u arko inay wiiqayaan dadaalka dagaalka.

Brett Bruen, oo horay u ahaa la-taliye dhanka arrimaha dibadda ee maamulkii Obama, ayaa yiri: “Wuxuu ku dhibtoonayaa inuu maamulo wareegga wararka sidii uu caadeystay, maxaa yeelay weli ma sharrixi karo sababta uu dalkan dagaal u geliyay iyo waxa xiga ee dhici doona. Wuxuu u muuqdaa mid lumiyay awooddiisii gudbinta farriimaha.”

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard