Addis Ababa (Adduun.com) – Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa bayaan ay soo saareen Khamiistii qeyb kamid ah uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya.
Golaha ayaa ku baaqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojiso wada-hadal loo dhan yahay oo ay la yeelato maamullada is-hayaan iyo daneeyayaasha kale oo ah siyaasiyiinta mucaaridka.
Khilaafka taagan ayuu goluhu sheegay in uu saameyn weyn ku yeelan karo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, isla markaana uu dib u dhigayo dadaallada xasilinta iyo dhismaha dowladnimada.
Golaha ayaa si cad u muujiyay muhiimadda in xaaladda taagan looga gudbo wada-hadal dhab ah, iyo heshiis ay dhinacyadu gaaraan, xilli weli Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka isku fahmi la’yihiin goobta uu shirka ka qabsoomayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in shirka uu ka dhaco Villa Soomaaliya, halka mucaaradka ay rabaan inuu ka qabsoomo gudaha Xalane, maadaama Villada ay walaac amni ka qabaan.
Waxaa socda dadaallo dhexdhexaadin ah oo beesha caalamka ka dhex wado labada dhinac, si ay u qabsoomaan wada-hadalladan masiiriga ah.
Si kastaba, madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa sheegay in aysan magaalada Muqdisho ka tagi doonin illaa heshiis buuxa laga gaaro arrimaha lagu muransan yahay, iyagoo Madaxweynaha ugu baaqay inuu si dhab ah u wajaho wada-hadallada loo ballansan yahay.
Madaxda Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale caddeeyay in dalka u baahan yahay badbaado iyo in heshiis laga gaaro hanaanka doorashada, xilli billo kooban ka harsan tahay muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
