Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Maxkamadda sare ee Soomaaliya oo ansixisay natiijada doorashada… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Maxkamadda sare ee Soomaaliya oo ansixisay natiijada doorashada…


Muqdisho (Adduun.com) – Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixisay natiijada doorashada golayaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir, kadib markii Guddiga Doorashooyinka Qaranka ay horey u shaaciyeen natiijooyin KMG ah oo la sugayay in si rasmi ah loo meel-mariyo.

Go’aankan ansixinta ah ayaa lagu gaaray fadhi ay Maxkamadda Sare yeelatay, waxaana saxiixay dhammaan garsoorayaasha Maxkamadda Sare, kuwaas oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee Maxkamadda Sare Dr. Abuubakar Axmed Cali.

Doorashadan golayaasha deegaanka ee gobolka Banaadir ayaa ahayd mid ay si weyn isha ugu hayeen ururrada siyaasadeed iyo bulshada rayidka ah, maadaama ay ahayd doorashadii ugu horreysay ee noocan ah ee si toos ah uga dhacda caasimadda muddo sanado ah kadib.

Doorashada ayaa waxaa ka qaybgalay 20 urur siyaasadeed, iyadoo loo tartamay 390 kursi oo golayaasha deegaanka ah. Sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka, waxaa is-diiwaangeliyay in ka badan 918,000 oo codbixiye, halka ku dhowaad 233,000 oo qof ay si rasmi ah codkooda u dhiibteen maalintii doorashada.

Natiijooyinka kama dambaysta ah ayaa muujinaya in Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka, oo ah xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya, uu helay kuraasta ugu badan oo dhan 177 kursi, taas oo ka dhigeysa xisbiga ugu awoodda badan golayaasha deegaanka gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Xisbiga Towfiiq ee uu hoggaamiyo Sheekh Shaakir ayaa helay 49 kursi, halka xisbiyada kale ay kala heleen kuraas kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xisbiga Ramaas oo helay 42 kursi, Xisbiga Karaama oo helay 39 kursi, iyo Xisbiga Sincad oo helay 26 kursi.

Maxkamadda Sare ayaa go’aankeeda ku caddeysay in aysan jirin wax cabasho rasmi ah oo laga gudbiyay natiijada doorashada muddadii sharciga ahayd, taas oo sahashay in si degdeg ah loo ansixiyo natiijada doorashada, sida ku cad Qodobka 73-aad ee Xeerka Doorashooyinka Qaranka.

Ansixinta natiijadan ayaa si rasmi ah u soo afjaraysa dhammaan muranadii iyo su’aalihii ka taagnaa natiijooyinka doorashada, waxayna tani waddada u fureysaa in la dhiso golayaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona maamulka iyo horumarinta caasimadda Muqdisho.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard