Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Maxkamadda Gobolka oo go’aan ka gaartay kiiska Bajaajleydii la xiray - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Maxkamadda Gobolka oo go’aan ka gaartay kiiska Bajaajleydii la xiray


Muqdisho (Adduun.com) – Maxkamadda Gobolka Banaadir oo maanta la horgeeyay qaar kamid ah dhalinyarada Bajaajleyda ee Arbacadii lasoo dhaafay lagu xiray Muqdisho ayaa ugu dambeyn xorriyadooda dib u siisay.

Sayid Cali Cabdullaahi Cabdilafdiif oo loo yaqaano (Saan Miyaa) oo kamid ah darawallada lasii daayay ayaa ka warbixiyay xarrigooda, wuxuuna sheegay in loo haystay dibadbaxii ay uga cabanayeen sare u kaca qiimaha shidaalka.

“Dambiga nalagu haystay waxaa waayay banaanbax aan qabanay oo aan ku ku diideynay qiimaha shidaalka oo kor u kacay, shicibka Soomaaliyeed oo dhib ku qabay dartood ayaan u sameynay” ayuu wareysiga ku yiri yiri Saan Miyaa.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in cadaalad ay ka heleen garsoorka maxkamadda, isla markaana lagu waayay wax dambi ah.

“Maanta Maxkamadda Gobolka Banaadr ayaa nala geeyay ugu dambeyn waxay nasoo siisay xorriyadeenna, maadaama wax dambi ah nalagu waayey” ayuu sii raaciyay.

Horay Booliska Soomaaliya ayaa dhalinyaradan usoo xir-xiray, iyada oo xarrigooda uu dhaliyay dhaleeceyn xooggan, waxaana cambaareeyay xubnaha mucaaradka oo siyaabo kala duwan uga hadlay beegsiga Bajaajleyda.

Si kastaba, caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa haatan wajaheysa saameyn lama filaan ah oo dhanka dhaqaalaha ah, oo kaga imaneysa dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan. Qiimaha shidaalka ayaa tan iyo dagaalka cirka isku shareeray qiyaastii 77%, iyada suuqyada Muqdisho laga soo warinayo isbeddel lixaad leh oo ku yimid kharashka ku baxa tamarta.

Maalmo uun ka hor, halkii liitar ee shidaalka baasiinka ah ayaa si xasiloon loogu kala iibsanayay $0.65 (Senti). Si kastaba ha ahaatee, laga soo bilaabo fiidnimadii Jimcaha, qiimaha kaalmaha shidaalka ee magaalada ayaa gaaray $1.5, arrintaas oo darawalada gaadiidka ku reebtay la-tacaalidda xaqiiqadan cusub ee adag.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard