Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Maxkamadda Gobolka Banaadir oo cafis u fidisay Axmed Madoobe - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo cafis u fidisay Axmed Madoobe


Muqdisho (Adduun.com) – Maxkamadda Gobolka Banaadir oo maanta warsaxaafadeed soo saartay ayaa cafis guud u fidisay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyada oo gebi ahaanba ka laabatay go’aankeedii hore ee soo qabashada, kaas oo ay maxkamadu soo saartay 27-kii November ee 2024-kii, kadib markii dowladda Soomaaliya ay diiday dib u doorashadiisa.

Xilligaas Axmed Madoobe waxaa lagu soo eedeeyay fal-dambiyeedyo lid ku ah wadajirka iyo midnimada Qaranka, taas oo macno ahaan noqoneysay inuu ku kacay “khiyaano qaran”.

Maxkamadda Gobolka ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay ooday gal-dacwadeedkii ka dhanka ahaa Axmed Madoobe, iyada oo sheegtay in xeer ilaalintu ay dib ula noqotay dacwaddeeda, soona dalbatay in la xiro kiiska.

“Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyada oo cuskaneysa asbaabaha sare ku xusan si waafaqsan qod: 107/3 dastuurka ku meel gaarka ah gudaneysa waajibaadka kor ku xusan qod: 76/77 XHCS waxay ooday gal dacwadeedka ciqaabta ah ee summadiisu tahay MGB/DCL/1531/ 2024 oo eedeysane ka ahaa Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)” ayaa lagu yiri warqadda.

Sidoo kale waxaa meesha laga saaray soo xiristii Axmed Madoobe, si loo horkeeno Maxkamadda Gobolka, maadaama la filayo in haatan uu soo gaaro magaalada Muqdisho, si uu wada-hadallo ula yeesho dowladda Soomaaliya.

“Maxkamaddu waxay baabi’isay amarka soo qabasho iyo hor keenis maxkamadeed ee summadiisu tahay MGB/DCL/1531/ 2024, kuna taariikheysan 27/11/2024” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka Maxkamadda.

Waxaa kale oo lagu soo gabagabeeyay “Go’aankan waxaa la gaaray maanta oo ah tr: 29/01/2026”.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada kowda bisha soo socota ee Febraayo la filayo in Muqdisho ay yimaadaan madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland oo qayb ka ah wada-hadallo ay dowladdu la yeelaneyso Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee hadda ka jira dalka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard