Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Maxay ka wada-hadleen Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed? - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Maxay ka wada-hadleen Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed?


Addis Ababa (Adduun.com) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galaya Meertada 39-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa haatan kulamo gaar gaar ah ka bilaabay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya oo uu shirku ka dhacayo.

Xasan Sheekh ayaa maanta la kulmay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah oo la xiriira xaaladda guud ee Geeska Afrika iyo xoojinta xiriirka labada dal ee dariska ah Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qoraal kooban oo uu soo saaray Abiy Axmed aya waxa uu ku sheegay in isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ka wada-hadleen iskaashiga ay wadaagaan labada waddan, gaar ahaan Amniga, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda.

“Waxaan maanta kulan doceed la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh waxaana ka wada hadlay xoojinta xiriirka aan wadaagno” ayuu yiri Aby.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa saacadihii la soo dhaafay kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxda Afrika, isagoo si gaar ah uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaateen ilaalinta midnimada Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu ka qayb-galay Shir Madaxeedka labaad ee Talyaaniga iyo Afrika, isaga oo ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa, ugana hadlay horumarka ganacsi iyo fursadaha maalgashi ee ka jira dalkeenna

Shirkaas yaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta dadaallada iskaashiga iyo kobcinta xiriirka dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Talyaaniga iyo dalalka Afrika.

Soomaaliya ayaa sheegtay in xilligan diyaar u ah inay xoojiso iskaashiga kala dhexeeya Talyaaniga iyo dhammaan bahwadaagta qaybta ka ah qorshaha Mattei, iyadoo qorshahaas lagu hagayo kalsooni, xilkasnimo, dan-wadaag iyo aragti mideysan oo ku wajahan guud ahaan Qaaradda Afrika oo barwaaqo ah.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard