Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Maxay ka dhigan tahay in shirka DF iyo mucaaradka lagu qabto Villa Somalia? - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Maxay ka dhigan tahay in shirka DF iyo mucaaradka lagu qabto Villa Somalia?


Muqdisho (Adduun.com) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah martigelisay furitaanka shir weyn oo siyaasadeed, kaas oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Hoggaanka Golaha Mustaqbalka, oo ay ku jiraan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Qabsoomidda shirka ee gudaha Madaxtooyada ayaa ka dhigan mid muujineyso hore u socodka dowladnimada Soomaaliya, waxaana dhinaca kale loo arkaa guul siyaasadeed oo usoo hoyatay kooxda Villa Somalia oo iyagu dadaal geliyay in shirka ay martigeliyaan, si loogu qabto xarunta dalka looga arrimiyo, taas oo maanta dhacday.

Xubnaha Golaha Mustaqbalka iyo madaxda maamullada mucaaradka ayaa horey uga caga-jiidayay inay galaan dhimshaa xarunta madaxtooyada, balse wadahadallo horudhac ahaa oo dhacay Talaadadii ayaa lagu xalliyay tabashooyinkaas, iyadoo damaanad amni oo buuxda la siiyay madaxdaas.

Kulanka maanta oo furmay xilli barqadii ah, ayaa ku bilaabmay hab-maamuus uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana sidoo kale goobjoog ahaa Ra’iisul wasaaraha, Taliyaha NISA iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirrada.

Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa si gooni ah arrintan ugu amaanay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu ku adkeystay in la’isugu tego Xarunta Villa Soomaaliya, waxaa sidoo kale uu tanaasulkooda uga mahadceliyay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland

“Waa ku mahadsanyahay MD Hassan Sheikh in uu ku adkeeysto in kulan ka uu la leeyahay xubno ka mid ah mucaaradka uu ka dhaco Villa Somaaliya. Go’aan qaadashadaasna wuxuu ugu hiiliyay sifaha Dowladnimada dalka. Waa ku mahadsanyihiin MD Puntland & Jubbaland in ay ka tanaasulaan mowqif-koodii hore ee ahaa Xalane halagu shiro. Go’aan qaadashadaasna waxeey ugu daneeyeen Dowladnimada dalka” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray xildhibaanka.

Waxaa kale oo uu ku daray “Intaas kadib, taladu waxeey tahay in la heshiiyo oo sidaas loogu daneeyo horusocodka hanaanka dowladnimada dalka si wadajir ah”.

Dhankiisa guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Taabid Cabdi Maxamed ayaa boggaadiyay in shirka lagu qabto Madaxtooyad Qaranka, isaga oo dhinacyada ugu baaqay inay eegaan danaha guud ee daddka iyo dalka.

“Waa ifafaalo wanaagsan kullanka maanta ka furmay Guriga Ummadda (Villa Somalia) ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka. Ujeedku yuusan noqon in lakala adkaado balse diiradda la saaraa dannaha qaranka ee doorasho hufan, gurmadka abaarraha, adkaynta midnimada, illaalinta gobonnimada iyo amniga qaranka” ayuu isna yiri Taabid Cabdi.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirkan ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafyada ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard