Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Maxay Ilhaan Cumar ka tiri duulaanka Mareykanka iyo Israel ee Iran? - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Maxay Ilhaan Cumar ka tiri duulaanka Mareykanka iyo Israel ee Iran?


Washington (Adduun.com) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka Maraykanka oo si kulul uga hadashay colaadda ka taagan bariga dhexe ayaa si xooggan u dhaleeceysay maamulka madaxweyne Trump iyo ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu oo iyagu hoggaaminayo dagaalka.

Ilhaan Cumar ayaa labada hoggaamiye ku eedeysay in ay hurinayaan colaad ka jirta meelo kala duwan, waxayna tusaale usoo qaadatay dagaalka hadda ka socda Iran ee sababay khasaaraha xooggan.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in Mareykanka uu dhaqaale badan ku siiyo Israa’iil xasuuqa ka socda meelo kala duwan, sida Gaza iyo duulaanka lagu qaaday Iran, isla markaana ay tahay wax laga xumaado.

“Maraykanku waxa uu Netanyahu siiyay balaayiin doolar si loogu maalgeliyo xasuuqa ka socda Gaza, Hadda Netanyahu iyo Trump waxa ay isu bahaysteen dagaalka ka dhanka ah Iiraan, Dadka Maraykanka waxa ay ka daaleen In ay lacag ku bixiyaan tacaddiyo si loo qanciyo Israa’iil oo gaysato xasuuq iyo dambiyo kale oo kala duwan” ayay tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Madaxweyne Donald Trump uu haatan culays xooggan kala kulmayo gudaha dalkiisa iyo dibadda kaddib markii weerarradii Iran lagu qaaday ay noqdeen kuwa isku beddalay dagaal toos ah oo saameeyay dalalka bariga dhexe oo ay gaareen duqeymaha dowladda Iran.

Dhinaca kale, waxaa haatan sii kordhaya khasaaraha uu dagaalkan kala kulmay Mareykanka, iyadoo Wasaaradda Gaashaandhigga ee Pentagon-ka ay Talaadadii shaacisay in qiyaastii 140 askari oo Mareykan ah ay dhaawacyo soo gaareen, halka 7 ay geeriyoodeen, tan iyo markii uu bilowday hawlgalka milateri ee loo bixiyay ‘Epic Fury’, kaas oo ka dhan ah dowladda Iiraan, soona bilowday 28-kii bishii Febraayo.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca, Sean Parnell, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dhaawacyada intooda badan ay yihiin kuwo aad u fudud, isagoo xusay in 108 ka mid ah askartaas ay durba dib ugu laabteen shaqadooda iyo furimaha dagaalka. Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa horay u xaqiijiyay in guud ahaan toddoba askari oo Mareykan ah ay ku naf-waayeen dagaalkan.

Si kastaba ha ahaatee, Pentagon-ka ayaa sheegaya in tirada duqeymaha Iiraan ay si weyn hoos ugu dhacday tan iyo bilowgii dagaalka, maadaama, sida ay yiraahdeen, diyaaradaha dagaalka ee Mareykanku ay si joogto ah u bur-burinayaan keydadka hubka ee Iiraan iyo goobaha ay wax ka ridaan.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard