Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Maxay Culimada Soomaaliyeed ka tiri dastuurka la ansixiyay? - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Maxay Culimada Soomaaliyeed ka tiri dastuurka la ansixiyay?


Muqdisho (Adduun.com) – Guddoomiyaha Hey’adda Culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo wareysi siiyay Shabelle Tv ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan dastuurka la ansixiyay oo ay weli diidmo ka muujinayaan xubnaha mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland.

Sheekha ayaa marka hore ka warbixiyay ujeedka ay u xaadireen kulankii Baarlamaanka ee lagu meelmariyay wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, wuxuuna sheegay in ay ahayd kaliya inay saxaan, si aan loogu soo darin khaladaad dhanka Diiniga ah.

“Annaga waxaan u tegnay Baarlamaanka in waxa la qorayo in meeshan aysan gelin wax khaladan, maxaa yeelay hadhow si loo saxo lama garanaayo” ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in la saxay khaladaadkii hore uga jiray dastuurkii ku-meel-gaarka ahaa, sida da’da qaan-gaarnimada oo markii hore ahayd 18 sano balse hadda la waafajiyay Diinta Islaamka, lagana dhigay 15 sano.

“Waxaa kamid ah meelahaas da’da in muddo ah soo khaldaneyd 18 wixii ka yar in la yiraahdo waa carruur waxaa kamid ah qofka xaq wuxuu u leeyahay inuu noolaado oo loola jeedo ka hortegga ama diidmo la diidaayo xukunka dilka ah hadda waa la saxay kulligood” ayuu mar kale yiri Sheekh Bashiir.

Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in qodobada kale ee siyaasadda iyo qaybsiga khayraadka ay yihiin arrimaha hadda la’isku hayo wuxuuna soo jeediyay in loo wajaho wada-hadal, heshiis qaran oo midnimo keenaya.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo Arbacadii lasoo dhaafay Labada Gole ee Baarlamaanka ay cod aqlabiyad leh ku meel-mariyeen cutubyada 4-aad ilaa 15-aad oo ay horay uga doodeen, maadaama wax ka beddel lagu sameeyay.

Intaasi kadib Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa ku dhawaaqay in muddada xil-heynta Baarlamaanka 11-aad ay tahay shan sano, waxay sidoo kale tani ka dhigan tahay in muddo xileedka madaxweynaha uu yahay shan sano, sida ku cad dastuurka cusub, iyada oo madaxweynuhu xilka sii hayn doono illaa May 2027.

Si kastaba, Siyaasiyiinta mucaaradka ee Dowladda Federaalka, Jubbaland iyo Puntland ayaa qaadacay in ay oggolaadaan in dastuurka cusub uu dhaqan galo, waxayna tani keeneysaa xaalad siyaasadeed oo horleh iyo dalka inuu galo qalalaase siyaasadeed, marka la’eego sida ay wax ku socdaan.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard