Abuja (Adduun.com) – Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Maxamed Cismaan Maxamed ayaa maanta gudbiyay waraaqaha aqoonsiga safiirnimo, kadib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Nigeria.
Munaasabadda gudbinta waraaqaha aqoonsiga ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay safiirka, isla markaana lagu muujiyay jawi sharaf iyo soo-dhaweyn heer sare ah oo ka tarjumayay xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal.
Intii ay socotay munaasabadda, waxaa si rasmi ah looga guddoomay waraaqaha aqoonsiga ee safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya Nigeria, taas oo calaamad u ah bilaabashada howlihiisa diblomaasiyadeed ee dalkaasi.
Kulan gaar ah oo dhinacyadu ku yeesheen gudaha xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Nigeria ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Nigeria.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa isla qiray muhiimadda ay leedahay in sare loo qaado iskaashiga dhinacyada mudnaanta wadaagga ah, gaar ahaan arrimaha caalamiga ah iyo heer goboleed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay la leedahay Dowladda Federaalka Nigeria.
Tallaabadan ayaa sidoo kale qayb ka ah dadaallada ay Soomaaliya ku ballaarineyso xiriirkeeda diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka qaaradda Afrika.
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Nigeria ayaa mar kale adkaysay in ay ka shaqeyn doonto xoojinta iyo horumarinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee labada dal.




