Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, haatana ah ku-xigeenka xoghayaha fulinta ee Urur-goboleedka IGAD ayaa u jawaabay madaxweyne hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ku hadal-qabsaday xilli uu ka hadlayay dhacdadii 2019-kii lagu hor istaagay diyaaraddii siday madaxweynayaashii hore ee xilligaas oo kusii jeeday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Farmaajo oo markii ugu horeysay xalay faahfahiyay dhacdadaasi ayaa iska fogeeyay inuu ku lug lahaa falkii lagu celiyay diyaaraddii siday Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xiligaas mucaarad ku ahaa dowladdiisa.
Madaxweynihii hore ee dalka ayaa ku dooday in arrinta ay ka dhalatay biyo ku jiray garoonka, balse la siyaasadeeyay, isaga oo intaas ku daray in garoonka Beledweyne aysan maamuleyn dowladdu, ayna gacanta ku hayeen saraakiisha ciidanka Jabtuuti oo iyagu soo saaray warbixinta.
“Waxaa laga yaabaa inay dad leeyihiin madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo isagu laftiisu diyaarad ay la socdeen madaxweyneyaal uu celiyay taas oo u socotay Beledweyne waxaa la’isku khaldaayaa wax tiknikaal ah wax siyaasadeed, taas marka aan saxo ileen beenta lagu soo cel-celiyo marka dambe run ayay noqotaa” ayuu yiri madaxweynihii 9-aad ee dalka.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Arrintaas madaxweynayaasha 2029-kii dhammaadkeeda markaas ay dhacday ma ahayn arrin siyaasad ee roobab badan, biyo bax iyo fatahaad ayaa ku dhuftay magaalada Beledweyne. Marka ay arrintaas foosha xun dhacday oo hadda ka tacsiyeynaayo laftigeeda ayaa waxaan la hadlay Maxamed Cabdi Waare oo ahaa madaxweynihii HirShabelle oon ku iri arrinatn maxay tahay madaxweyne?, isagana xaqiiqatan qayb kama ahayn, wuxuuna sheegay in biyo ay galeen garoonka markii loo sheegay madaxdana ay ka biyo diideen arrintaas”.
Intaas kadib waxaa soo jawaabay Maxamed Cabdi Waare oo qoraal soo saaray, wuxuuna sheegay in Farmaajo uusan ka run sheegin dhacdadaas, isla markaana uu soo qaatay kaliya intii ka anfaceysay, balse ka qoto dheertahay intaasi.
“Marka qofka la horgeeyo maxkamad Mareykanka waxaa lagu dhaariyaa ‘inaad runta sheegeyso, runta oo dhan aad sheegeyso, runta kaliya aad sheegeyso’!. Madaxweynuhu arrintaan intii isaga ka anfaceysay ayuu ka sheegay, sida ugu qurxaneedna waa ugu sheegay laakiin intaa waa ka qoto dheertahay” ayuu ku jawaabay Waare.
Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay inuu dib ka sheegi doono sida runta ah ee ay wax u dhaceen, uuna u faahfaahin doono shacabka. “Waqtigeeda ayaan faahfaahin doonaa, Insha Allaha”. ayuu kusii daray Maxamed Cabdi Waare.

SIRDOON & QISO
Qisada Ninkii Siliga ku dilay Xaaskiisa | Qisadeena Labaad
SIRDOON & QISO
Basaasadii Cuuryaanka aheyd | Virginia Hall |
SIRDOON & QISO
Basaasadii Masar ku beertay ciidanka ISR |
SIRDOON & QISO
Shabakadii BASAAS ee Kalkaalisada ka aheyd ka GAZA |
