Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Maxaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho? - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Maxaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho?


Muqdisho (Adduun.com) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa xalay ka dhacay dibad-bax ay dhigeen qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo taageeray ansixinta dastuurka dalka oo Arbacadii lasoo dhaafay ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen labada Gole.

Isku soo baxa oo ka dhacay isgoysa Taleex ee degmada Hodan ayaa waxaa ka qayb-galay boqolaal dadweyne ah iyo mas’uuiyiin ka tirsan gobolka Banaadir, kuwaas oo caddeeyay mowqifkooda, soona dhaweeyay dhammaystirka dastuurka dalka.

“Waxaa halkan ka socda reereen iyo dabaal-deg, maadaama dastuurkii la dhammaystiray Mudane Xasan Sheek Maxamuud waxaan leeyahay waad mahadsan tahay guul iyo gobanimo” ayuu yiri mid kamid ah shacabka.

Intaas kadib waxaa isna warbaahinta la hadlay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo sheegay in ay la dabaal-dagayaan shacabka ku dhaqan caasimada, isaga oo sheegay in ay metalaan dhammaan dadka Soomaaliyeed.

“Waa habeen aan u dabaal-geyno dastuurkeennii oo ka baxay qabyadii, dadka gobolka Banaadir waxay metalaan dadka Soomaaliyeed, maadaama caasimadii halkaan ay tahay waxayna muujiyen farxadooda” ayuu yiri Yabooh.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in dastuurka cusub lagu caddeeyay maqaamka Muqdisho, isla markaana hadda kadib ay xaquudooda heli doonaan shacabka caaasimada, waxaa kale oo u sheegay in hoggaankana lasoo dooran doono.

“Magaalada Muqdisho hadda waxay yeelatay maqaam rasmi ah, waxaana hadda doorateen goleyaashiinii deegaanka mardhow waxaa dooran doontaan gudoomiyeyaasha degmooyinka iyo maayarka caasimada” ayuu sii raaciyay.

Dareenka farxadeed ee ay muujiyeen shacabka Muqdisho ayaa kusoo aadayo, xilli weli siyaasiyiinta mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland ay diidan yihiin wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ka ah, waxayna taasi keeneysaa xaalad siyaasadeed oo horleh iyo waddanka inuu galo qalalaase siyaasadeed.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard