Muqdisho (Adduun.com) – Waxaa xalay madaxtooyada Soomaaliya ka qabsoomay kulan saddex geesood ah oo u dhexeeyay madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul wasaare Xamza iyo madaxweynaha maamulka Galmudug.
Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, maadaama dowladda ay qorsheyneyso in ay doorashooyin ka qabato Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.
Ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia ayaa innoo sheegay in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaraaraha ay si toos ah Qoor Qoor ugala hadleen qorshahooda ku aadan doorashooyinka tooska ah ee ay madaxtooyadu qorsheneyso inay ka qabato dalka, si looga fuliyo deegaannada dowlad-goboleedka Galmudug.
Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaa maalmo kahor tallaabo milatari u qaaday dhanka Galmudug, iyadoo ciidamo iyo saanad milatari gaysay magaalada Dhuusamareeb, hubkaas oo la sheegay in loogu talagalay ciidamo cusub oo dhawaan tababar loogu soo gabagabeeyey duleedka magaalada.
Kulankan ayaa kusoo aaday, xilli muhiim ah, isla markaana ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay hannaanka doorashooyinka iyo dastuurka.
Dhawaan dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in muddo 28 maalmood gudahood ay Baydhaba uga qabaneyso doorashooyin isku sidkan oo lagu soo dooranayo goleyaasha deegaanka, baarlamaanka iyo madaxweyne cusub.
Waxaa kale oo kadib ku xigi doono maamullada Galmudug iyo HirShabelle, maadaama ay madaxdooda ka dhammaaday muddo xileedkooda, haddaa ay isku diyaarinayaan doorashooyin, iyadoo la filan karo inay isbedello dhacaan.
Soomaaliya ayaa hadda ku jiray marxalad xasaasi ah oo la xiriirta muranka doorashada iyo xaalad kale oo ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka dalka.
