Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Maxaa kasoo baxay kulankii uu Xasan la yeeshay golaha wasiirada K/ Galbeed? - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Maxaa kasoo baxay kulankii uu Xasan la yeeshay golaha wasiirada K/ Galbeed?


Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa maanta magaalada Baydhaba shir kula yeeshay golaha wasiirrada maamulkaas iyo taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, dardargelinta howlaha xasillinta, sugidda amniga, la dagaallanka argagixisada, gurmadka abaaraha iyo isku dubbaridka dadaallada dowladeed ee lagu xaqiijinayo nabad iyo horumar waara oo ka hanaqaada guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.

Inta uu kulanka socday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warbixinno faahfaahsan ka dhageystay wasiirrada Koonfur Galbeed iyo masuuliyiinta amniga dalka oo ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee maamulka iyo amniga deegaannada Shabeelaha Hoose Baay iyo Bakool

Madaxweynaha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay mideynta awoodda Dowladda Federaalka iyodDowlad goboleedka, si loo dardar geliyo adeegyada bulshada, dib u dhiska hay’adaha maamulka iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha deegaanka.

Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu maanta madaxweynuhu la yeeshay guddoomiyaha degmada, ahna duqa Baydhaba, Cabdullaahi Cali Watiin, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee magaalada, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarka iyo adeegyada bulshada ee ay u baahan yihiin shacabka ku nool magaalada.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa duqa degmada ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda amni ee magaalada, dadaallada socda ee lagu xoojinayo nabadgelyada, horumarka laga sameeyey adeegyada aasaasiga ah iyo caqabadaha wali taagan ee u baahan taageero dheeraad ah.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa amar cusub dul dhigay hay’adaha dowladda, isaga oo faray in la dardargeliyo hirgelinta mashaariicda horumarineed iyo barnaamijyada gurmadka, si loo xoojiyo adkeysiga bulshada loona horumariyo kaabeyaasha nolosha ee magaalada

Waxaa kulanka ka qayb-galay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Xoosh.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard