Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Maxaa kasoo baxay kulankii uu Xamza la yeeshay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni? - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Maxaa kasoo baxay kulankii uu Xamza la yeeshay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni?


Muqdisho (Adduun.com) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa kulan gaar ah oo uu albaabada u xirnaa xalay la yeeshay madaxweynayaasha Maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo weli ku sugan gudaha magaalada Muqdisho, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah.

Xamza ayaa Axmed Madoobe iyo Saciid Deni kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka kala dhexeeya isaga iyo xukuumaddiisa, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Jubbaland iyo Puntland oo siyaabo kala duwan uga hadlay kulanka ayaa sheegay in jawi deggan uu ku qabsoomay shirkooda, lagana wada-hadlay arrimaha mudnaanta in leh dowladnimadda Soomaaliya.

“Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka iyo sidii si wadajir ah loogu wajihi lahaa arrimaha mudnaanta u leh dowlad-dhiska, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya” ayaa lagu yiri war kooban oo ay soo saartay Madaxtooyada Jubbaland.

Dhankeeda Puntland ayaa tiri “Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Hamza Abdi Barre, ayaa caawa kulan la qaatay Madaxweyneyaasha Dowladaha Puntland iyo Jubaland, H.E Said Abdullahi Deni iyo H.E Ahmed Mohamed Islaam, kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya”.

Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo qado sharaf ahaa oo shalay dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka oo ka wada-hadlay khilaafka dhexdood ah. Kulanka ayaa sidoo kale ahaa mid hordhac ah oo ay dhinacyadu isaga xog wareysteen xaaladda guud ee dalka, si loo muujiyo niyad wanaag, si uu u guuleysto shirweynahooda soo socda.

Sidoo kale, waxaa lasoo wariyay in madaxdan oo ay ku jireen Axmed Madoobe iyo Saciid Den ay saacadihii lasoo dhaafay yeesheen kulamo gaar ah oo looga hadlay sidii loo wajihi lahaa gogosha taalla, iyada oo madaxweynuhu dalbaday in lagu qabto gudaha Villa Soomaaliya, inkastoo weli ay ka caga jiidayaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa mid ka mid ah caqabadihii ugu adkaa, maadaama ay dhinacyadu isku fahmi la’yihiin hannaanka doorashooyinka iyo wax ka bedelka Dastuurka kumeel gaarka ah oo ay weli ku howlan tahay Villa Soomaaliya.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard