Nairobi (Adduun.com) – Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo weli kulamo xasaasi ah ka wada magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa maanta la shiray Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya, iyagoo ka wada-hadlay xaaladda cakiran ee dalka iyo xallinta khilaafka taagan.
Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa Golaha oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta, Jubbaland iyo Puntland waxay la yeesheen Wakiillada Beesha Caalamka oo isugu jira Safiirrada Qaramada Midoobey, Midowga Europe, UK iyo USA.
Dhinaca kale, waxaa goobjoog ahaa madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, Ra’iisul wasaareyaashii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre, Maxamed Xuseen Rooble, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, musharrax madaxweyne Cabdulqaadir Cosoble iyo siyaasin kale.
Inta badan waxaa kulanka diiradda lagu saaray marxalada xasaasiga ah ee siyaasadeed ee dalku marayo iyo sidii xal deg deg ah looga gaari lahaa Dastuurka iyo arrimaha Doorashooyinka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Golaha.
Maalmihii u dambeeyay Beesha Caalamka ayaa wadday cadaadis ay ku haysay xubnahan, si ay u tegaan shirka uu iclaamiyay madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo ay maanta aqbaleen, soona dhaweeyeen casuumaadda loo fidiyay.
“Haddaba Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed asagoo ka duulaya xaaladaha kor ku xusan, tixgelina siinaya caqabadaha baaxadda leh ee dalkeenna horyaalla wuxuu wadatashi dheer kadib go’aansaday in Goluhu aqbalo gogosha ay dhigtay DFS, si looga hortego firaaq dastuuri ah loona helo xal loo dhan yahay oo badbaadinaya dowladnimada iyo midnimada dalka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay goor sii horreysay soo saareen Golaha Mustaqbalka.
Sidoo kale, wuxuu Goluhu dalbaday in shirka uu u dhaco jawi leh kalsooni iyo niyadsami, wada-hadalladuna ay noqdaan kuwa miradhal ah. Waxaa kale oo uu soo jeediyay;-
- In uu gebi ahaanba madaxweynuhu joojiyo wax ka beddalka Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka ee 2012-kii.
- In ajendayaasha laga wada-hadlayo ay yihiin kuwa mudnaanta koowaad u leh xaaladda xaaladda hadda jirta dalka
Si kastaba, Soomaaliya ayaa wajaheysa loollan waqtiyeed, iyadoo muddo-xileedka hay’adaha dowladda lagu wado inuu dhammaado bartamaha bisha May ee sanadkan. Ismari-waaga ugu weyn ayaa salka ku haya nuuca doorasho ee dalka ka dhacaysa.
