Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Maxaa kasoo baxay kulankii dhex-maray Aadan Madoobe iyo siyaasiyiinta KGS? - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Maxaa kasoo baxay kulankii dhex-maray Aadan Madoobe iyo siyaasiyiinta KGS?


Muqdisho (Adduun.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta kulan mira dhal ah la qaatay siyaasiyiinta jilib culusta ah ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya, isaga oo kala hadlay xiisadda ka taagan Baydhaba ee ku dhow in gacan ka hadal uu dhex-maro Dowladda Federaalka iyo maamulka madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Kulanka waxaa ka qayb-galay Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Axmed (Black), Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macallin (Daada), Lataliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee dhinaca Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan (Xaamud).

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Aadan Madoobe wuxuu muhiimadda kulanka ahaa sidii loo wajihi lahaa, in laga wada qeyb qaato horumarka iyo dib u heshiisiinta deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, loona hortagi lahaa inay sii fido colaadda ka taagan halkaasi.

“Ujeedka kulanka ayaa waxa uu ahaa xaaladaha guud ee deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, sidii loo wajihi lahaa, in laga wada qeyb qaato horumarka iyo dib u heshiisiinta deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale sidii loo ilaalin lahaa midnimada iyo wadajirka dadka reer Koonfur Galbeed, islamarkaana looga hortegi lahaa wax walba oo wax u dhimi kara midnimadooda” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ay meel adag mareyso xiisadda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayna sii kordhayaan dhaq-dhaqaaqyada hubeysan ee laga dareemayo magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa la magac baxay Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa hadda kusii saqaya aagga Baydhaba, iyaga oo maanta la wareegay deegaannada Deynuunaay, Dhanbalka iyo Korog-rogow oo qiyaasti dhowr iyo 10 KM u jira magaaladaasi.

Dhammaan deegaannadan ayaa ah marin muhiim ah oo isku xira waddada aadda Baydhabo iyo Muqdisho, waxayna qabsashadooda ay guul u tahay ciidamada kasoo horjeedo madaxweynaha dib loo doortay ee Koonfur Galbeed.

Si kastaba, xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo ay sii xoogeysaneyso xiisadda u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Waxaa sidoo kale si weyn u hakaday isku socodkii dadweynaha ee deegaannada maamulka, gaar ahaan gaadiidkii geli jiray magaalada Baydhabo.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard