Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Maxaa ka socda magaalada Baydhaba kadib isbeddelkii dhacay? - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Maxaa ka socda magaalada Baydhaba kadib isbeddelkii dhacay?


Baydhaba (Adduun.com) – Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay waxaa haatan ka socda dhaq-dhaqaaqyo xoogleh iyo kulamo siyaasadeed oo looga arrinsanayo mustaqbalka Koonfur Galbeed, maadaama uu dhacay isbeddel wayn oo ku yimid hoggaanka maamulkaasi, kadib markii meesha laga saaray madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Hoggaamiyaha kumeel-gaarka ah ee ay dhawaan magacowday dowladda Soomaaliya Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa hadda kulamo ka bilaabay magaalada, isaga oo xalay la kulmay qaar ka mid ah odeyaasha dhaqanka Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta nabadda iyo wadajirka bulshada.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa dardargelinta dadaallada nabadaynta, iyadoo hoggaamiyuhu uu odeyaasha kala hadlay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin ilaalinta xasilloonida iyo dib-u-heshiisiinta bulshada dhexdeeda.

Sidoo kale Jabriil oo madasha ka hadlay ayaa adkeeyay in Koonfur Galbeed ay mudnaan gaar ah siinayso nabadda iyo wada noolaanshaha shacabka.

Waxaa kale oo uu odayaasha uga mahadceliyay kaalintooda muuqata, wuxuuna ku boorriyay inay sii xoojiyaan dadaallada ay ugu adeegayaan bulshada.

Dhankooda odeyaasha dhaqanka ayaa soo dhaweeyay kulanka, iyagoo ballanqaaday inay si dhow ula shaqeyn doonaan maamulka si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo horumar laga gaaro deegaanka.

Baydhaba waxay haatan martigelineysaa madax culus oo ay kamid yihiin madaxweyne Xasan Sheekh, guddoomiyaa baarlamaanka, xidhibaanno, wasiirro, saraakiil iyo ciidamo badan oo loo daad-gureeyay magaaladaas, waxaana haatan soconayo kulamo wada tasho ah.

Qorshaha guud ee dowladda ayaa sidoo kale ah in doorasho laga qabto magaaladan, si loo soo doortay baarlamaan iyo madaxweyne cusub.

 

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard