Laascaanood (Adduun.com) – Maamulka Waqooyi Bari ayaa beeniyay muuqaal lagu faafiyey baraha bulshada, kaasi oo ay kasoo muuqdeen rag wejiyada duubtay oo sheegay in ay ku sugan yihiin Laascaanood, ayna ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.
Bayaan kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Waqooyi Bari ayaa lagu xaqiijiyay in aysan jirin wax raad ah, saldhig ama joogitaan kooxo argagixiso oo ka jira guud ahaan deegaannada maamulkaasi.
“Ciidanka Booliska Waqooyi Bari, baadhitaan iyo xaqiiqin kadib, wuxuu xaqiijinayaa in muuqaalkaasi yahay mid gabi ahaanba si lidata loogu farsameeyey garaadka macmalka ah (Artificial Intelligence),” ayaa lagu yiri qoraalka booliska.
Muuqaalkan ayuu sheegay boolisku in loogu tala-galay sumcad-dil, cabsi gelin bulsho, iyo marin-habaabinta amni, xilli magaalada Laascaanood iyo guud ahaan deegaanada Waqooyi Bari ay ku naaloonayaan nabad, dawladnimo taabbo-gal ah, iyo horumar muuqda, sida uu sheegay Taliska Booliska Waqooyi Bari.
Booliska ayaa sidoo kale waxa uu shacabka ugu baaqay in ay ay ka feejignaadaan wararka been abuurka ah ee qalqal gelin kara amniga, isla markaana ay meel uga soo wada jeedsadaan cid walba oo ku howlan sumcad dilka deegaanada maamulkooda.
“Hay’adaha amniga Dowladda Waqooyi Bari na waxay si buuxda ugu fooggan yihiin sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo ka hortagga isku day kasta oo wax u dhimaya xasilloonida iyo badqabka muwaadiniinta.”
Hoos ka aqriso bayaanka booliska oo dhameystiran:
Ciidanka Booliska Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya wuxuu si cad u beeninayaa muuqaall been-abuur ah oo lagu faafiyey baraha bulshada, kaas oo ay ka muuqdaan shan (5) qof oo wejiyada duubtay, xiran dhar u eg ciidan, kuna sugnaa goob baadiye ah, isla markaana si been ah u sheeganaya in ay ku sugan yihiin magaalada Laascaanood, ayna ka tirsan yihiin urur argagixiso.
Ciidanka Booliska Dowladda Waqooyi Bari, baadhitaan iyo xaqiiqin kadib, wuxuu xaqiijinayaa in muuqaalkaasi yahay mid gabi ahaanba si lidata loogu farsameeyey garaadka macmalka ah (Artificial Intelligence), looguna talagalay sumcad-dil, cabsi gelin bulsho, iyo marin-habaabinta amni, xilina kama laha magaalada Laascaanood iyo guud ahaan deegaanada Waqooyi Bari ay ku naaloonayaan nabad, dawladnimo taabbo-gal ah, iyo horumar muuqda.
Muuqaalka la faafinayo waxa si cad uga muuqda calaamado muujinaya in aanu ahayn mid dhab ah, isla markaana si lidata loo sameeyey, waxaana ka mid ah:
- Goobta muuqaalka: Muuqaalka waxaa lagu duubay meel ka baxsan ah oo ciid-cas ah oo habayaraatee aan si naba uga turjumayn dhulka ay ku taal magaalada Laascaanood.
- Codka muuqaalka: Muuqaalka waxaa la dul saaray cod googo’an ah oo la isu geegeeyey iyo codad la dul saaray (Voice-Over), taas oo muujinaysa tafatir iyo farsamo been-abuur ah.
- Muuqaal la soo dhex geliyey: Waxaa muuqaalka si ula kac ah loogu dhex daray qaybo laga soo jarjaray muuqaallo kale oo yaalla internet-ka oo aan wax xidhiidh ah la lahayn amni darro, si loogu ekaysiiyo in uu ka dhacayo deegaanada Waqooyi Bari.
Taliska Ciidanka Booliska Dowladda Waqooyi Bari wuxuu mar kale si buuxda u caddeynayaa inaysan jirin wax raad ah, saldhig ama joogitaan kooxo argagixiso oo ka jira guud ahaan deegaanada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.
Hay’adaha amniga Dowladda Waqooyi Bari na waxay si buuxda ugu fooggan yihiin sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo ka hortagga isku day kasta oo wax u dhimaya xasilloonida iyo badqabka muwaadiniinta.
Ugu dambayn, waxaan shacabka ugu baaqaynaa in ay ka feejignaadaan wararka been-abuurka ah ee khal-khalka gelin kara amniga, isla markaana aynu meel uga soo wada jeesanno cadawga Waqooyi Bari ee ku hawlan sumcad-dilka deegaanada Waqooyi Bari iyo faafinta wararka aan salka iyo raadadka toona lahayn.
