Hargeysa (Adduun.com) – Dowladda Mareykanka ayaa si cad u beenisay inay iskaashi cusub la bilowday maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland, kadib markii warar la xiriira arrintaas lagu baahiyay baraha bulshada.
Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Mareykanka aanu wax xiriir diblumaasiyadeed ah xilligan la yeelan doonin Somaliland, isla markaana wararka la faafiyay ay yihiin kuwa been abuur ah.
Sidoo kale bayaanka kasoo baxay U.S.Embassy Mugadishu ayaa lagu baaqay in laga digtoonaado wararka been abuurka ah ee aan rasmiga ahayn.
Jawaabta Mareykanka ayaa kusoo aaday, xilli marar badan ay madaxda Somaliland ku cel-celiyeen in horumar wayn ay ka sameeyeen siyaasadda arrimaha dibadda, isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii ay iskaashi buuxa ula yeelan lahaayeen dowladda Mareykanka, si ay uga caawiso qadiyadda aqoonsiga.
“Waxaan xidhiidh iyo galaangal muhiim ah la yeelanay dalalka innaga kaalmeyn kara qadiyaddeenna waxaa kamid ah Mareykanka” ayuu dhawaan yiri Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.
Horay waxaa u fashilmay dadaallo ay wadeen Somaliland iyo kooxo kale oo abaabulan, kuwaas oo ka shaqeynayay aqoonsi uu Mareykanka siiyo maamulkan.
Si kastaba, ha’ahaatee dhammaadkii sannadkii hore ayay ahayd markii ay Israa’iil ku dhawaaqday ‘inay dal madax bannaan u aqoonsatay Somaliland’ tallaabadaas oo keentay cambeereyn gudaha iyo dibadda ah, maadaama ay dhaawaceyso madax-banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaaka Soomaaliya.