Muqdisho (Adduun.com) – Afar xubnood oo ka tirsan Guddiga Fulinta Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa maanta ku dhawaaqay inay iska casileen xubinnimadoodii xisbiga.
Xubnahan ayaa is-casilaadooda ku sababeeyay hab-dhaqanka Guddoomiyaha xisbiga, oo ah Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayay ku eedeeyeen inuusan ixtiraamin xeerarka xisbiga iyo dastuurka dalka, isla markaana uu wado tallaabooyin ay ku sheegeen “kala irdheyn bulsho”, oo halis ku ah guud ahaan dalka.
Xubnahan oo kasoo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed ayaa doorar muhiim ah ku lahaa hoggaanka iyo jihaynta siyaasadeed ee JSP. Waxaana go’aankooda loo arkaa mid muujinaya kala aragti duwanaansho xooggan oo ka dhex jira hoggaanka sare ee xisbiga.
War-saxaafadeed kasoo baxay xubnahan ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in sababaha is-casilaadooda ay salka ku hayaan arrimo ay ka mid yihiin ku xadgudubka dastuurka, burburinta nidaamka federaalka, iyo kala fogeynta bulshada Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale si weyn u dhaliileen hoggaanka ugu sarreeya xisbiga.
Isla maanta, Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku dhawaaqay in uu gebi ahaanba isaga baxay Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee JSP.
Lafta-gareen ayaa si rasmi ah isaga casilay xubinnimada Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka iyo xilkii uu ka hayay ee guddoomiye ku-xigeenka arrimaha amniga iyo dowlad-goboleedayda ee xisbigaas.
Arrimahan ayaa saameyn weyn ku yeelanaysa isku duubnida xisbiga iyo guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyadoo la sugayo jawaabta rasmiga ah ee hoggaanka JSP iyo sida ay uga falceliyaan eedeymaha loo jeediyay.
Hoos ka akhriso magacyada xubnaha iska casilay Guddiga Fulinta JSP:
- Xil. Maxamed Xasan Maxamed (Murjaan) – Xoghayaha Xanaanada Xoolaha iyo Waraabka ee JSP
- Xasan Cali Maxamed Amardambe – Xoghayaha Qorsheynta iyo Istaraatiijiyadda ee JSP
- Xil. Alwiya Cabdullaahi – Xoghayaha Adeegga Caafimaadka ee JSP
- Xil. Mukhtar Maxamed Mursal (Boorow) – Xoghayaha Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee JSP

