Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Markabka shidaalka ka qodaya Soomaaliya oo kasoo dhaqaaqay Turkiga + Sawirro - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Markabka shidaalka ka qodaya Soomaaliya oo kasoo dhaqaaqay Turkiga + Sawirro


Ankara (Adduun.com) – Waxaa maanta dalka Turkiga laga soo sagootiyay markabka Cağri Bey, kaas oo ku soo wajahan Soomaaliya, si uu howlgal shidaal qodis ah uga fuliyo xeebaha dalka.

Markabkan oo ah nooca jiilka toddobaad oo leh awood farsamo oo sarreysa ayaa door muhiim ah ka qaadanaya soo saarista khayraadka shidaalka ee ku jira badda Soomaaliya.

Munaasabadda sagootinta markabka ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirrada Batroolka iyo Dekadaha Soomaaliya, Maareeyaha Hay’adda Batroolka, Safiirka Soomaaliya ee Turkiga, iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka Turkiga, munaasabadda taariikhiga ah ee sagootinta markabka Cağri Bey waxaa hoggaaminayay Wasiirka Batroolka Turkiga, waxaana sidoo kale ka qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Turkiga, taasoo muujinaysa heerka sare ee iskaashiga labada dal.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Jaamac ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyay garab istaagga joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo tilmaamay in iskaashigan uu yahay mid wax weyn ka tari doona horumarka dalka.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah hirgelinta heshiisyo iskaashi oo dhinacyada dhaqaalaha iyo difaaca ah oo ay horey u kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga. Heshiisyadan ayaa ujeeddadoodu tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

Turkiga ayaa dhawaan Soomaaliya u soo diray saraakiil ka kala socda ciidamada Cirka, Badda iyo Lugta, kuwaas oo door ka qaadanaya xoojinta wada-shaqeynta milatari ee labada dhinac.

Ankara ayaa sidoo kale xoojisay joogitaankiisa milatari ee Soomaaliya, iyadoo maraakiib casri ah ay ku sugan yihiin biyaha dalka.

Maraakiibta dagaal ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadanayaan ilaalinta shidaalka la soo saarayo, kaasi oo qodistiisa dhawaan si rasmi loo bilaabayo.

Hawl-galkan ayaa daba socda heshiis taariikhi ah oo dhex-maray Ankara iyo Muqdisho horraantii sanadkii 2024, kaas oo shirkadda TPAO siinaya xuquuq gaar ah oo ay shidaal uga baari karto, kuna soo saari karto saddex xirmo (blocks) oo ku yaalla badda Soomaaliya.

Sida qorshuhu yahay, hawlaha qodista ayaa bilaaban doona horraanta sanadkan, iyadoo la beegsanayo keydadka ku jira badda gunteeda hoose, kuwaas oo horey loo aqoonsaday kadib sahan dhameystiran oo uu sameeyay markabka cilmi-baarista ee Oruç Reis sanadkii 2025.

Qiyaasaha hordhaca ah ayaa muujinaya in Soomaaliya ay yeelan karto keyd gaaraya ugu yaraan 30 bilyan oo fuusto oo shidaal iyo gaas ah, in kastoo dalku uu wajahayo caqabado dhanka amniga iyo kaabayaasha dhaqaalaha ah.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard