Riyadh (Adduun.com) – Safaaradda Mareykanka ee Sacuudi Carabiya ayaa maalintii Talaadada kula talisay muwaadiniinta Mareykanka ah inay dib u eegaan qorshahooda ku aaddan gudashada waajibka Xajka ee sanadkan, iyadoo sabab looga dhigayo xiisadda sii kordheysa ee ka taagan gobolka.
“Sida ku cad Digniinta Safarka ee Sacuudi Carabiya, iyo xaaladda amni ee taagan iyo hakadka safarrada ee mararka qaar dhacaya awgood, waxaan ku talineynaa in dib u eegis lagu sameeyo ka-qaybgalka Xajka ee sanadkan,” ayay tiri safaaradda.
Safaaradda ayaa intaas ku dartay: “Laga billaabo 18-ka Abriil, dadka isku dayaya inay galaan magaalada Makka waxaa laga rabi doonaa inay muujiyaan oggolaanshaha Xajka, aqoonsi degenaansho oo laga bixiyay Makka, ama oggolaansho shaqo oo Makka ah oo shaqeynaya. Dadka haysta fiisooyinka kale waa inay Makka isaga baxaan ka hor 18-ka Abriil.”
Xajka ayaa ah tiirka shanaad ee diinta Islaamka – waana cibaado ay tahay inay gutaan dhammaan muslimiinta awoodda dhaqaale u leh, ugu yaraan hal mar noloshooda.
Safaaradda ayaa sidoo kale ugu baaqday muwaadiniinta Mareykanka ah inay dib u eegaan safarrada ay ku tagayaan dalka Sacuudi Carabiya gabi ahaanba.
Xiisadaha gobolka ayaa sii xoogeysanayay tan iyo markii Israa’iil iyo Mareykanku ay weerar ku qaadeen Iiraan 28-kii bishii Febraayo, taasi oo dagaal culus ka dhalisay guud ahaan gobolka.
Xukuumadda Tehran ayaa uga jawaabtay duqeymo aargoosi ah oo isugu jira diyaaradaha drones-ka iyo gantaallo oo ay la beegsatay Israa’iil, Urdun, Ciraaq iyo dalalka Khaliijka ee martigeliya saldhigyada milateri ee Mareykanka.
Weerarradaas ayaa sababay khasaare nafeed iyo burbur gaaray kaabayaasha, iyagoo sidoo kale carqaladeeyay suuqyada caalamka iyo isku-socodka duulimaadyada.
Madaxweyne Trump ayaa xalay ku dhowaaqay inuu ogolaaday in muddo laba toddobaad ah la hakiyo weerarrada lagu hayo Iran, taas oo ku xiran in si “degdeg ah” dib loogu furo marin-biyoodka Istiraatiijiga ah ee Hormuz, isagoo xusay horumar laga sameeyay soo jeedin 10 qodob ka kooban oo ka timid Tehran.
Go’aankiisa ayaa yimid kadib maalmo uu sii adkeeyey hadalladiisii kululaa ee ku wajahnaa Iran, isagoo ku hanjabay inuu baabi’in doono gebi ahaan ilbaxnimada dalkaas, haddii Tehran aysan ka yeelin dalabaadkiisa kahor 8-da fiidnimo ee Talaadada.
