Muqdisho (Adduun.com) — Dowladda Maraykanka ayaa qalab milatari oo isugu jira gaadiid iyo hubka noocyadiisa culus ku wareejisay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellada Dhexe, sida ay shaacisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda federaalka ay ku doonayso inay ku xoojiso howlgallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaan lagu faahfaahinin tirada rasmiga ah ama qiimaha dhaqaale ee qalabkan, balse waxaa lagu tilmaamay inay tahay mid kamid ah taageerada joogtada ah iyo iskaashiga dhanka amniga ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Washington.
“Waxaa naga go’an inaan dalka ka ciribtirno haraadiga argagixisada, howlgalladuna waxay sii socon doonaan inta laga xaqiijinayo nabad waarta iyo xasillooni ka hanaqaadda guud ahaan dalka,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda.
Gobolka Shabeellada Dhexe, oo dhaca waqooyiga magaalada Muqdisho, ayaa noqday mid kamid ah furimaha ugu adag ee dagaalka dowladdu kula jirto Al-Shabaab. Kooxdan, oo weli ah awoodda ugu weyn ee xagjirka ah ee Geeska Afrika, ayaa weerarro joogto ah ku haysa xarumaha ciidamada iyo goobaha shacabka, inkastoo cadaadis milatari oo xooggan la saaray.
Soomaaliya ayaa muddo ka badan toban sano dagaal kula jirtay Al-Shabaab oo xiriir la leh shabakadda Al-Qaacidda. Ururkaas ayaa weli gacanta ku haya dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxayna sii wadaan qaraxyada iyo weerarada gaadmada ah.
Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa door muhiim ah ka ciyaara taageerada ciidamada Soomaaliya, iyagoo bixiya tababarro, la-talin, iyo taageero dhanka cirka ah. Maraykanka ayaa dhowr jeer fuliyay duqeymo lala beegsaday saldhigyada iyo horjoogayaasha Al-Shabaab, iyadoo lala kaashanayo dowladda federaalka.
Taageeradan u dambaysay ee hubka ayaa kusoo aadaysa xilli ciidamada dowladda iyo xoogaga deegaanka ee garabka siinaya ay isku dayayaan inay xajiyaan deegaannadii dhawaan la xoreeyay, isla markaana ay ka hortagaan in Al-Shabaab ay dib isugu abaabulaan waddooyinka muhiimka ah iyo dhulka miyiga ah ee isku xira gobollada wax-soo-saarka beeraha iyo caasimadda.
Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa ku celceliyay in howlgalladu aysan istaagi doonin ilaa kooxda laga saaro deegaannada ay ku harsan yihiin, dibna loosoo celiyo kala dambaynta iyo maamulka dowladda ee guud ahaan dalka.
SIRDOON & QISO
Taxanaha Basaaskii Carbeed Adam Sabri (Dhamaad)
SIRDOON & QISO
Qisada Ninkii Siliga ku dilay Xaaskiisa | Qisadeena Labaad
SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
SIRDOON & QISO
Basaaskii ahaa Injineerka Tubooyinka & Bulaacadaha
SIRDOON & QISO
Taxanaha Basaaskii Carbeed Adam Sabri (Dhamaad)
SIRDOON & QISO
Qisada Ninkii Siliga ku dilay Xaaskiisa | Qisadeena Labaad
SIRDOON & QISO
Taxanaha Basaaskii Carbeed Adam Sabri (Qeybta-23)
SIRDOON & QISO
Taxanaha Basaaskii Carbeed Adam Sabri (Qeybta 22)
SIRDOON & QISO
Taxanaha Basaaskii Carbeed Adam Sabri (Q-21)