Muqdisho (Adduun.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in hawlgallada dhulka ee la ballaariyay iyo duqeymaha dhanka cirka ah ee uu Mareykanku taageerayo ay si weyn u beddeleen jiheynta iyo miisaanka dagaalka muddada dheer socday ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Xukuumadda Muqdisho ayaa ku faantay guulo is-daba-joog ah, iyadoo sheegtay in la wiiqay awooddii kooxda, lagana qabsaday dhul ballaaran, isla markaana la beegsaday hoggaanka sare iyo shabakadaha qaabilsan sameynta walxaha qarxa.
Isbeddelkan ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah oo ay ciidamada Midowga Afrika (ATMIS) si tartiib-tartiib ah uga baxayaan dalka, mas’uuliyadda amniga qarankana ay si buuxda ula wareegayaan ciidamada Soomaaliya, ku dhawaad labaatan sano kadib markii Al-Shabaab ay soo ifbaxday.
Guulaha dhanka dhulka
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa xaqiijiyay in ciidamada xoogga dalka ay dib u qabsadeen deegaanno istiraatiiji ah oo ku yaalla gobollada Shabeellada Hoose, Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo qaybo kamid ah Jubbaland – dhulkaas oo qaarkood ay kooxdu maamulaysay sanado badan.
Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, oo la hadlay wakaaladda wararka ee AP, ayaa sheegay in deegaannada Jilib Marka, Gendershe iyo Dhanaane ee gobolka Shabeellada Hoose, oo muddo dheer ahaa saldhigyo ay ku xooggan tahay Al-Shabaab, ay haatan gacanta dowladda ku jiraan.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay guulo laga gaaray gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaannada Taydaan iyo Yasooman, iyo hawlgallo laga sameeyay agagaarka Masjid Cali Gaduud ee Shabeellada Dhexe.
Dhanka Jubbaland, gaar ahaan aagga Kudhaa, wuxuu sheegay in hawlgallo wadajir ah oo ay sameeyeen ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Danab ee Mareykanku tababaray lagu dilay tobanaan dagaalyahan, lagun qabsaday gaadiid dagaal.
Doorka militariga Mareykanka
Doorka Mareykanka ayaa noqday mid muhiimad gaar ah leh, iyadoo Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) uu fuliyo duqeymo lala beegsado hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab, xarumaha tababarka iyo goobaha hubka, iyagoo xogta iyo isku-duwidda kala kaashanaya dowladda Soomaaliya.
Wasiir Cumar ayaa sheegay in duqeymihii ugu dambeeyay lagu burburiyay xarumo lagu farsameeyo walxaha qarxa (IEDs) iyo gaadiid walxahaas laga soo buuxiyay ka hor inta aysan weerarro geysan.
Cabdullaahi Axmed Cali, oo ah falanqeeye dhanka amniga ah oo ku sugan Muqdisho, ayaa aaminsan in awoodda dhanka cirka iyo sahanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) ay beddeleen dheelitirka dagaalka.
“Wejiyadii hore ee dagaalka, labada dhinac waxay haysteen hub dhuleed isku mid ah, taasoo keentay is-mari-waa. Balse dowladda waxa ka maqnaa awood cir oo joogto ah,” ayuu yiri Cabdullaahi.
Wuxuu intaas ku daray in sahanka diyaaradaha uu sahlay in la ogaado dhuumashada kooxda iyo waddooyinka ay saadka u mariyaan, taasoo ciidamada dhulka u fududeysay inay horey u socdaan.
Diyaaradaha drone-ka ayaa waxaa qaarkood sidoo kale qeyb ka ah kuwo ay Turkigu siiyeen dowladda federaalka iyo kuwa ay si toos ah ayaga u maamulaan oo qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Caqabadaha jira iyo mustaqbalka
Khubarada amniga ayaa ka digaya in guulaha milateri oo kaliya aysan ku filnayn. Waxay ku talinayaan in deegaannada la qabtay lagu xoojiyo maamul wanaag iyo adeegyo bulsho si looga hortago in Al-Shabaab ay dib ugu soo laabato, sidii horey u dhici jirtay markii ciidamadu ka baxaan.
Inkastoo dowladdu sheegatay in kumanaan dagaalyahan la dilay, haddana khubaradu waxay digniin ka bixinayaan in Al-Shabaab ay weli tahay koox adag oo awood u leh inay weerarro ka geysato gudaha caasimadda iyo gobollada, iyadoo weli maamusha dhul ballaaran oo miyi ah.
Dowladda ayaa ballan-qaaday inay dib-u-dhis iyo gargaar gaarsiin doonto deegaannada la xoreeyay, balse guusha kama dambaysta ah waxay ku xirnaan doontaa awoodda dowladda ee ah inay sugto amniga xilli ay sii yaraanayso joogitaanka ciidamada shisheeye.
SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
